Soomaaliweyn

Booqo Shabakada Wararka Soomaaliweyn.net.

shabakada wararka soomaaliweyn

Kala soco wararkii ugu danbeyey ee dalka hooyo.

Thursday, March 14, 2013

Golaha Wasiirada oo si kulul uga hadlay Dilalkii Foosha xumaa ee Muqdisho ka dhacay una saaray Guddi ka kooban dhoor Wasaaradood

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixin ku aadan safarka R.waaaraha iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ay ku tageen degaanada Puntland iyo Galmudug iyo dilal maalmihii ugu dambeeyey ka dhacay magaalada Muqdisho. 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu horeyntii ka hadlay safarkii uu ku tegay degaanada maamulada Puntland iyo Galmudug, wuxuuna ku tilmaamay inay natiijo wanaagsan oo la taaban karo ay ka soo baxday, wuxuuna mar kale u mahadceliyay shacabka degaanadaasi oo uu sheegay inay si weyn u soo dhoweeyeen.

“Golaha Wasiirada markii aan hor dhigay natiijada safaradii Puntland iyo Galmudug iyo heshiisyadii iyo isgaradkii na dhex maray, aadbey u soo dhoweeyeen weyna ila qateeen” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo si gaar ah ugu mahadceliyay labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka jawaabay warar soo baxay oo sheegayay in aan natiijo ka soo bixin kulanka Galmudug, balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay warkaasi, “Warkaasi ma aheyn mid aanu fileynay, mana ahan mid haboon, sababtoo ah wadahadalada Galmudug na dhex maray waxay ahaayeen kuwo sii soconaya oo aan dhamaan, waxaana ku balanay in Bishan Maarso 25-keeda, lagu soo gabagabeeyo Muqdisho oo aan ku martiqaadno” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo hoosta ka xariiqay in Galmudug ay ka mid aheyd maamuladii udub dhexaadka u ahaa in laga gudbo kumeel gaarka, loona gudbo dowlad rasmi ah, mar kastana ay xushmo iyo qadarin u hayaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, xusay in goluhu si adag uga doodeen, falal dilal ah, oo goobo kala duwan ka dhacay kuwaasoo lagu dilay dhalinyaro, wuxuuna xusay in arrintaasi ay aad uga xunyihiin, ayna u saareen guddi ka kooban saddex Wasaaradood, oo kala ah, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda A. Gudaha iyo Wasaaradda Warfaafinta.

“Guddigan waxaan ka sugeynaa warbixin rasmi ah, oo mida haatan aanu heyno ka badan, waxaana si gaar ah u iclaaminay shir aan caadi aheyn oo arrintan looga hadli doono oo golaha Wasiiradu yeelan doonaan maalinta Talaadada ee soo socota” ayuu yiri Mudane Saacid oo xusay in muhiimada dowladdu tahay illaalinta xaquuqda aadanaha iyo xorriyatul qowlka.


Mustaf Maxamed Muuse

mustafcarab100@gmail.com

Wednesday, March 13, 2013

Daawo”Sawirro”Isbedel lagu sameeyay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka iyo Xil wareejin maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda Gaashaandhiga


Munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo ay kaqeybgaleen saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sida taliyahii hore ee xoogga Gen.C/qaadir Sheekh Cali Diini abaanduulihii hore ee Ciidamada Mileteriga iyo hogaanka cusub ee ciidamada xooga dalka loo magacaabay dhawaan ayaa Maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.
Xafladan oo ujeedkeedu ahaa xilwareejinta taliyihii iyo abaanduulihii hore ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale kaqeybgalay taliyayaasha gaasaska xoogga dalka, kuwa Guutooyinka, Ururada, iyo sidoo kale saraakiil kasocotay ciidamada AMISOM.
Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Gen.C/qaadir Sheekh cali Diini oo ugu horeyn goobta kahadlay Ayaa uga mahadceliyay saraakiisha xoogga dalka howsha adag ee ay dalka ka qabteen intii ay socdeen Dagaaladii dalka looga xoreynayay kooxda Al-Shabaab waxa uuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan Saraakiisha cusub ee xilka maanta la wareegay.
Taliyaha cusub ee ciidamada Mileteriga Soomaaliya Sareeye Guuto Daahir Aadan Cilmi  oo sina goobta Kahadlay ayaa tilmaamay in ciidamada xoogga lasoo gaarsiiyay heer aad u wanaagsan oo mudan in laga Sii amba qaado marka la eego sida ay 20kii sano ee lasoo dhaafay u burbureen ciidamada xooga iyo sida Ay saraakiishan maanta xilka wareejiyay oo kaashanaya madaxda qaranka ay usoo nooleeyeen awooda Ciidamada qalabka sida ee uu Mileterigu kamidyahay .
Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka Gen.C/kariim Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa isna ugu Hambalyeeyay abaanduulaha iyo taliyaha cusub howsha adag ee loo xilsaaray waxa uuna xusay in halkii Ay iyagu soo gaarsiiyeen meel ka wanaagsan ay geyn doonaan hogaankan cusub.
Abaanduulaha cusub ee ciidamada xooga dalka Gen.C/risaaq Khaliif Cilmi  ayaa isna dhankiisa siweyn Ugu amaanay Gen.Dhagabadan iyo Gen.Diini waqtigii adkaa ee ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed kasoo Gudbiyeen isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed eysan marnaba halmaami doonin howshii adkeyd ee ay usoo qabteen.
Intii ay socotay munaasabadan ayaa waxaa heeso ka turjumaya sida ay ciidamada xooggu lafdhabarka Ugu yihiin dalka kasoo jeediyay fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Iyadoo kooxda Baambeyda Mileteriguna ay goobta wacdaro ka dhigeen.




Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe oo ku sii fidaya cudurka shuban biyoodka


Xaalada caafimaad ee maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa laga deyrinayaa, iyadoo 5-maalmood ee la soo dhaafay uu soo ritay ilaa 22-ruux, halka 2 ka mid ah ay u geeriyoodeen.
Taliska Xabsiga dhexe ayaa ka deyriyay xaalada caafimaad ee maxaabiista, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa uu ku sii fidayo cudurka shuban biyood,a maadaama nadaafad dari aad u baahsan uu ka jiro Xabsiga.
Qolalka Xabsiga iyo Musqusha ayaa ah kuwo ay isku dhex yaalaan, waxaana halkii qol ku jira ilaa 50-maxbuus, iyadoo nadaafaduna ay tahay mid aad u liidata.
Taliyaha Xabsiga dhexe Maxamuud Xuseen Axmed ayaa sheegay in ilaa iyo hada labo maxbuus ay u geeriyoodeen, halka labaatan kalena ay la il daran yihiin cudurka shuban biyoodka sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu sheegay inay soo gaareen daawooyin caafimaad oo ay u keeneen Wasaarada Caafimaadka iyo Hey’ado kale oo caafimaad, isagoo tilmaamay in hada xaalada ay tahay mid soo hagaageysa.
Xilligan oo lagu jiro kuleylaha ayaa aalaaba waxaa ka dilaaca gobolada dalka qaar cudurka shuban biyoodka, iyadoo loo aaneeyo nadaafad darada iyo wasaqda, waxaana maalmihii u dambeeyay hadal heynta aheyd in Xabsiga dhexe oo ay ku jiraan Maxaabiis fara badan uu ka dilaaco shuban biyood.

Mustaf Maxamed Muuse  MustafCarab
mustafcarab100@gmail.com

Taliyihii iyo ku xigeenkii Ciidamada Milateriga Dowladda Somalia oo xilalkoodii laga qaaday kuwo kalena loo magacaabay


Arbaco, Maarso 13, 2013—Taliyihii ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo abaanduulihii ciidamada milateriga, Jen. C/kariin Yuusufa Aadan (Dhego-badan) ayaa maanta xilalkii laga qaaday kadidb xaflad ka dhacday wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Munaasabadda oo ay ku jirtay xil wareejin ayaa waxaa ka qaybgaleen xubno ka tirswan wasaaradda gaashaandhigga, saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo saraakiil ka socda Bancroft ayaa waxaa taliyaha ciidanka xoogga dalka loogu magacaabay, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), iyadoo xilka abaanduulahana loo magacaabay, Jen. C/risaaq Khaliif Xuseen.
Jen. C/qaadir Diini iyo Jen. C/kariin Dhego-badan oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan xil ka qaadista lagu sameeyay ayna la shaqeyn doonaan saraakiisha cusub ee la magacaabay.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqo oo ka hadlay munaasabadda ayaa saraakiisha cusub ee la magacaabay kula dar-daarmay inay howsha loo igmaday si wanaagsan uga soo baxaan ayna ku dadaalaan sidii ay u horumarin lahaayeen ciidmada milateriga Soomaaliya.
Labada sarkaal ee xilalka loo magacaabay oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada xoogga dalka oo iyaguna goobta hadallo ka jeediyay ayaa sheegay inay kasoo bixi doonaan xilalka loo magacaabay, ayna xoogga saari doonaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen sugidda amniga guud ee dalka.
Saraakiisha xilalka laga qaaday ayaa waxaa magacowday dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya xilli ay Al-shabaab gacanta ku hayso Muqdisho iyo inta badan deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa heeso kusoo bandhigay kooxda fanka ee Horseed oo ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka, iyagoo halkaas kusoo bandhigay heeso ka tarjumayay sida ay ciidamada milaterigu muhiim ugu yihiin dalka iyo sugidda ammaanka.

ahmed guure rooble
guure37@hotmail.com

Saturday, March 9, 2013

Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Wefdi Ballaaran oo uu Horkacayo oo si diirran Loogu soo dhoweeyey Garoowe [SAWIRRO]



Sabti, Maarso 09, 2013 — Ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wefdi ballaaran oo uu horkacayey ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Mas'uuliyiin ka socdey goleyaasha kala duwan ee dowladda Puntland , islamarkaana uu horkacayey madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wefdiga Ra'iisul wasaaraha si diirran garoonka ugu soo dhoweeyey.
Wefdiga Mudane Saacid oo intaas kaddib loosoo gudbiyey dhinaca aqalka madaxtooyada ayaa halkaas qado sharaf kula qaatay madaxda ugu sareysa  Puntland oo uu kamid yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole).
Ra'iisul wasaaraha oo qadada kaddib si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyey dadweynihii garoonka kusoo dhaweeyey iyo weliba madaxda maamulka Puntland.
Wuxuuna intaas raaciyey in ujeedada socdaalkiisu ay tahay sidii uu Puntland ugala hadli lahaa arimo badan oo khuseeya danaha dalka, islamarkaana uu filayo in kulamada uu madaxda Puntland la qaadan doonaa ay noqonayaan kuwo is-afgarad kusoo idlaada.
"Waan ku kalsoonahay wadahadalada aan geli doonnaa inay noqon doonaan kuwo mira dhal ah oo dalka iyo dadkaba anfaca... waxan si gaar ah ugu hanbalyeynayaa dowrkii ballaarnaa ee ay reer Puntland kasoo qaateen dib u dhalashadii Soomaaliya.." Ra'iisul wasaare Saacid ayaa yiri.
Madaxweyne Faroole oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa isna sheegay in Puntland ay dadaal badan ku bixisay sidii loosoo dhisi lahaa dowlad Soomaaliyeed oo aan kumeel gaar ahayn.
Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu tilmaamay in Puntland iyo dhinacyada kale ee Soomaalidaba uu xil ka saaran yahay in ay dhowraan qarannimada ayna ka shaqeeyaan maslaxadda guud ee dalka.
"Ku faani mayno abaalkaas aan galnay, anagaa  isu galnay Soomaaliyana waan u galnay waana nagu waajib, waajibkaasina waa nawada saaran yahay, waxan maanta halkan isugu imaaneynaa waa maslaxadda Soomaaliya, soomaalida oo dhamina way ina eeganeysaa iyo beesha caalamku,” Madaxweyne Faroole ayaa yiri.
Waa markii ugu horeysey tan iyo markii uu xilka qabtay Ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane  Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu booqasho kusoo gaaro Puntland. Ra'iisul wasaaraha iyo wefdigiisu inta ay Puntland ku sugan yihiin waxay kulammo la qaadan doonaan madaxda Puntland.










Friday, March 8, 2013

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Hoos u dhaca Doollarka waxaa sabab u ah Shilinka oo Suuqyada ku yaraaday”



Jimco, Maarso 09, 2013  — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimid sarifka lacagaha iyo qiime kororka maciishadda, isagoo ku sheegay arrintaas inay ku timid doollarka oo batay iyo shillinka oo yaraaday wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii arrintaasi xal  kama dambeys ah loogu heli lahaa.
Mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in hay’adaha dowaladda ee dhaqaalaha ay ku howlan yihiin sidii isbedel loogu sameyn lahaa dhibaatadan, isagoo baaq u diray adduunka si ay gacan uga geystaan sidii loo caawin dadka danta yar ee uu saameeyay isbedelka sarifka doollarka.
Sarifka lacagta doollarka oo aad hoos ugu dhacday ayaa waxay saameyn weyn ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan kuwa danta yar, kuwaasoo lacagihii ay heli jireen aysan ku filnayn intii ay ku filnaan jireen.
Dadweynaha ayaa waxay ka cabanayaan sircir-bararka ku yimid raashinka quutul-daruuriga ah, iyadoo dadweynaha ay ka dalbadeen dowladda inay wax ka qabato sarifka doollarka oo gaaray meel aanu weligiis gaarin.
Madaxweynaha Soomaaliya ma uusan sheegin habka ay dowladdu uga hortagayso qiimo dhaca ku yimid doollarka, sidoo kalena ma uusan sheegin xilli cayiman oo ay dowladdu tallaabo qaadayso, iyadoo wax iibsiga suuqyada uu aad u yaraaday dadkuna ay fajacsan yihiin.
Hadalka madaxweynaha ayaa wuxu imaanayaa iyadoo xildhibaanadu ay ka dalbadeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirkiisa maaliyadda inay hor-yimaadaan baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo arrintan.

Thursday, February 28, 2013

Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadahaa Soomaaliya oo ka warbixiyay in ka badan boqol kun oo dollar oo la xaday


Khamiis, Feberaayo 28, 2013 — Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay lacago dhawaan laga xaday xafiis ay leedahay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya.
Jen. Gaafoow ayaa sheegay in lacag dhan 110,000 oo doollarka Mareykanka ah la dhacay taasoo loogu talo-galay in lagu dayactiro xafiis hoggaanku ku leeyahay degmada Shibis ee gobolka Banaadir oo hadda uu ku socdo dib u dayactir.
“Lacagta keliya ma ahayn waxa la xaday, balse waxaa la qaatay qalab uu lahaa hoggaanka socdaalka oo isna la qaatay, waxayna u badan tahay inay dhacaas geysteen dad wax kala socda howlaha hoggaanka socdaalka,” ayuu yiri Jen. Gaafoow oo beeniyay in xubno ka tirsan xafiiskiisa ay dhacaas ku lug leeyihiin.
Sidoo kale, Jen. Gaafoow wuxuu sheegay in lacagta la dhacay ay ahayd lacago ay iska soo ururiyeen dad Soomaaliyeed oo jecel in dayactir lagu sameeyo laamaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in dhacaas marna aanu hakad gelin doonin howlaha lagu dayactirayo xafiiska socdaalka uu ku leeyahay Muqdisho.
Taliyaha ayaa ugu dambeyn, wariyeyaashii uu shirka jaraa’id u qabtay soo tusay xafiiska waaxda socdaalka ee uu dayactirku ka socday kaasoo lagu dayactirayay lacagta la sheegay in la xaday.
Dhanka kale, ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay hayaan raadad cad oo sheegaya kooxihii ka dambeeyay dhacaas, ayna dhawaan u soo bandhigi doonaan warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed.

Monday, February 25, 2013

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaah Gudaha ee Soomaaliya oo saaka u ambabaxay Magaalada Kismaayo

Isniin, Feberaayo 25, 2013 — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa saakay u ambabaxaay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyagoo halkaas kula kulmi doona maamulka degmada, saraakiisha Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo waxgaradka degmada. Wafdiga ayaa waxaa qayb ka ah wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, iyadoo booqashadan ay kusoo beegmayso xilli ay degmadaas ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada maamulka iyo kooxo hubeysan. Ma jiro hadal u warbaahinta siiyay wasiirka arrimaha gudaha intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, balse wasiirku wuxuu horay u sheegay in qorshaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka aan lagala tashan xukuumadda Soomaaliya. Dhawaanahan ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka socday qaban-qaabada shir-weyne la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo inkastoo uu hakad ku yimid qabsoomiddiisa, waxaana jira muran ku saabsan shirkaas oo ka dhexeeya dadka deegaanka. Wafdigan sare ee ka socda dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ay dowladda Soomaaliya u dirto magaalada Kismaayo tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday degmadaas muddo hadda laga joojo shan bilood. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maalin ka hor sheegay in Muqdisho lagu qabanayo kulan looga hadlayo maamul u sameynta Jubbooyinka, kaasoo lagu casuumay waxgaradka kasoo jeeda gobolladaas, iyadoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona booqashada mas’uuliyiinta dowladdu ay saakay ku aadeen Kismaayo. Wixii warar ah ee kusoo kordha socdaalkan iyo kulammada ay wafdigu kula yeelan doonaan Kismaayo mas’uuliyiinta maamulka iyo waxgaradka degmadaasi waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Sunday, February 24, 2013

Xukuumadda Somalia oo sheegtay Inaan lagu Wargeli shirka Maamulka loogu sameynayo Jubbooyinka kuna baaqday in la tashado

Axad, Feberaayo 24, 2013 Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan waxba kala socon shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka, kaasoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay qabanqaabadiisa ka soconay magaalada Kismaayo. Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aan lagu wargelin shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee ka soconayo Kismaayo, wuxuuna wasiirku sheegay in ay ka warheleen oo qura in shir maamul loogu sameynayo Jubooyinka uu ka furmayo Kismaayo. “Waxaan ka warhelnay in meeshii shir lagu qaban-qaabinayo oo la leeyahay waxaa lagu dhisayaa maamul, anagu runtii shirkaasi wax wargelin ah iyo wax aan ka ognahay haba yaraatee ma jirto,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay. Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaban doonto shir looga hadlayo arimaha Jubooyinka, kaasoo uu xusay in ay u qaban doonaan shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka, si buu yiri ay uga tashadaan arinta maamul u sameynta gobolladaasi. Dadka deegaankaasi maamulkiisa hayo iyo dadka waxgaradka deegaankaasi casuumaad kale oo rasmi ah ayay dowladdu u dirtay oo la leeyahay bal aan wada hadalno oo aan wada xaajoonno oo nisu kaaya keena, marka inagu markasta gacantanada waa ay taagantahay, in la wada hadlo ayan dooneynaa, dowladuna dalka iyadaa dowlad u ah,” ayuumasuulkani hadalkiisii raaciyay. Ugu danbeyn wasiirka ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, wuxuuna ugu baaqay waxgaradka kasoo jeeda Jubooyinka in ay damiyaan colaada ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose. Hadalkan kasoo yeeray xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli gudoomiyaha gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka Macalim Max’ed Faarax uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u direen warqad casuumad ah oo ay uga codsanayeen in ay kasoo qeybgasho shirka la filayo in maamul loogu dhiso gobollada Jubooyinka.

Wednesday, February 13, 2013

Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax dhismasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay magaalada Baladweyne


Talaado, Feberaayo, 13, 2013– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu sababay qarax loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taala agagaarka suuqa xoola xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.

Dad goob joogayaal ah oo  xiriir la sameysay waxaa ay sheegeen in goobta Bamka lagu tuuray oo ay fadhiyeen dad rayid ah, iyaga oo sheegay in mar kaliya ay maqleen dhawaqa qaraxa lagu weeraray goobta maqaaxida ah.

‘’Anniga waxaan arkay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada maamulka gobollka,’’ ayuu yiri qof ku sugnaa goob aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla Inji ayaa sheegay in ciidamada markiiba sida uu hadalka u dhigay gacanta ku dhigeen qofkii Bamka tuuray.

‘’Waxaan ku guuleysanay in aan qabano qofkii Bamka ku tuuray goobta ay ku sugnaayeen dadka rayidka ah, inta aan og-yahay qaraxa waxaa ku dhintay hal qof oo rayid ah askari ka tirsan ciidamadana dhaaawac ayaa ka soo gaaray,’’ ayuu yiri Axmed Inji.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa tagay oo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan iyo AMISOM oo saldhig ku leh goob aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaa ka bilaabay baaritaan.

Sunday, February 10, 2013

Hoteel Casri ah oo laga furay Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)



Axad, Feberaayo 10, 2013 — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga furay hotel casri ah, iyadoo furitaankii hoteelkan ay ka qaybgaleen xubno ka socday dowaldda oo ay ka mid ahayd wasiir ku xigeenka wasaaradda khayraadka dalka, Siciido Xasan Cismaan, ganacsato, culummo, waxgarad iyo dadweyne kale.
Hoteelkan oo lagu magacaabo Ramada ayaa waxaa laga furay kasoo horjeedka dhismaha wasaaradda arrimaha dibaadda ee Soomaaliya oo u dhexeysa isgoysyada Banaadir iyo Zope.
“Waan soo dhaweynaynaa hoteelka, waana mid ka duwan hoteellada ku yaalla Muqdisho,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah xubnihii ka hadlay furitaanka oo sheegay in hoteelkan ay u dhameystiran yihiin adeegyada loo bahan yahay oo dhan.
Ramada Hotel ayaa waxaa furtay ganacsato Soomaaliyeed, waxaana qaar ka mid ah ganacsatada furtay oo ka hadlay furitaankiisa ay sheegeen inuu leeyahay dhammaan adeegyada loo baahan yahay sida xawaalad, xafiisyada laga goosto tigidhada iyo masjid lagu tukan karo salaadda Jimcaha.
“Hoteelka wuxuu leeyahay meel lagu diyaariyo cunnooyinka diyaaradaha; waxaana jooga kariyeyaal khibrad durugsan u leh sida loo diyaarinayo cunnooyinka diyaaradaha, muddo dheerna kasoo shaqaynayay shirkadda diyaaradaha ee Emirate Airline,” ayay yiraahdeen ganacsatada furtay hoteelkan casriga ah.
Sidoo kale, hoteelku wuxuu leeyahay baar laga cunteeyo oo casir ah iyo baar shaaha iyo kafeega laga cabo iyo barxad weyn oo ay dadku fariistaan iyo sidoo kale barxad weyn oo baabuurta la dhigan karo.
Tan iyo markii magaalada Muqdisho ay isaga baxday Al-shabaab waxaa laga furayay hoteelo iyo dukaamo ganacsi oo waaweyn, iyadoo hoteelkan uu noqnayo kii ugu casrisanaa ee laga dhiso magaalada Muqdisho tan iyo markii ay xasiloonidu kusoo laabatay.








Wednesday, February 6, 2013

Madaxweynaha Somaliland oo u dhoofay dalka Ingiriiska iyo Mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Xabsiga loo taxaabay


Arbaco, Feberaayo 06, 2013 — Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa safar shaqo ugu anbabaxay dalka Ingiriiska si uu ugala soo hadlo wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaasi amni daradii ay ku sheegeen Somaliland iyo sidii ay cilaaqaadka labadda dhinaca uga dhexeeya usoo hagaajin lahaa.
“Waxaan Aniga iyo Weftigaygu aan u ambabaxaynaa dalka Ingiriiska, halkaasi oo aanu kula kulmi doono Wasiirka Arrimaha dibadda William Heague,” ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo oo shalay ka anbaxayey garoonka diyaraadaha ee magaaladdda, waxaanu intaas ku daray “DawladdaIngiriisku waa dawlad cilaaqaad aad u dheeri innaga dhaxeeyay iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh,”
Madaxweynaha oo ka hadlaya khilaafka soo kala dhexgalay dawladda ingiriiska iyo Somaliland waxa uu yidhi “Waa Tii mugdi meesha soo galay, Mugdigaasi meesha waanu ka saaraynaa. imikana waxaan u tagaynaa inaanu wada hadal la yeelano masuuliyiinta Ingiriiska. waxaanan rajaynaynaa inay si fiican noogu dhacdo”.
Safarkan madaxweynaha ayaa daba socda dhawaaqii ka soo yeedhay dawladda Britain ee muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka soo baxaan Somaliland, waxana dhowaaqaas ingiriksa mid la isna soo jeediyey dawladda Maraykanka oo muwaadiniinteeda uga digtay inay Somaliland u safraan.
Arrimahaasi isa soo biirsaday ayaa culays badan ku haya shacabka iyo dawladda Somaliland, in badana ku celceliyey in aanay amni daro dalka ka jirin wax u muuqdaana aanay jirin.
Dhinaca kale, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Axmed Maxamuud ayaa ciidanka amniga ee magaaladda Gabiley xabsiga u taxaabeen ka dib markii ay ka war heleen inuu ku sugan yahay magaaladaasi.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gabiley Saleebaan Ducaalle (Dhegacadde) , ayaa sheegay in ninkani uu ka soo degay madaarka Berbera 22-kii bishii hore isla markaana uu wadanka si dhuumasho ah ku joogay, isla markaana ay ku dabo jireen.
Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiinta Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ayaa Waxa ka yaalla xeer ah dambiile qaran, kaas oo aanu dalka soo gali karin haddii uu soo galena xabsiga loo taxaabayo.
Xildhibaankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee dawladdan cusub ee Soomaliya ka tirsan ee dalka yimaadda, isla markaana la xidho.

Tuesday, February 5, 2013

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay xarunta Chatham House iyo Dadweyne ku Mudaaharaaday Madaxweynaha

Hassan Sheikh Mohamud
Talaado, Feberaayo 05, 2013 — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal ka jeediyay machadka cilmi-baarista ee Chatham House ee magaalada London, iyadoo intii uu hadalkiisa socday ay dadweyne Soomaaliyeed dibadbax ka horsameeyeen xaruntaas.
Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa uga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: barakacayaasha gudaha, qoxootiga ku nool dalalka dariska ah, arrinta dasturka iyo federaalka, xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya iyo weliba dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed soo maray labaatankii sano ee ay jireen colaadaha.
“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray in ka badan 20-sano oo sharci la’aan ah taasoo ay shacabka Soomaaliyeed ka dhaxleen dhibaatooyin nololeed iyo mid dhaqaale oo badan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay in dalku uu hadda ku socdo waddadii uu kaga bixi lahaa dhibaatooyinkaas.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay waxbarashada, isagoo sheegay in inta badan caruurta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool aysan haysan waxbarasho, balse ay dowladdu waddo qorshayaal ay caruurtaas ay ku heli lahaayeen waxbarasho dhameystiran.
“Caruurta Soomaaliyeed 25% ayaa iskuullada aada, 75% ka mid ahna way iska ciyaaraan oo ma haystaan waxbarasho , taasna waxay caddeyn u tahay dhibaatada dhinaca waxbarashada ah ee haysta ubadka Soomalaiyeed,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Somalia wuxuu khudbadiisa kusoo hadal-qaaday Al-shabaab, ayaa sheegay inuu jiro xiriir adag oo ka dhexeeya Al-shabaab iyo kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria, balse aysan ogeyn wax xiriir ah oo ka dhexeeya kooxda Maali ka dagaalamaysa iyo Al-shabaab.
“Colaadihii ka dhacay ka Soomaaliya waxay sababeen inay dhashaan kooxo argagaxiso ah, sida Al-shabaab iyo burcadbadeedda oo dhibaatooyin badan laga dhaxlay. Sidoo kale colaaduhu waxay saameyn adag ku yeesheen dad badan oo Soomaaliyeed noloshooda,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Mar uu ka hadlay dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qoxootiga ku sugan dalalka dariska ah ayuu sheegay in dowladdu ay qorshayaal u dejisay ayna dhawaan maareyn doonto dadkaas.
Isagoo ka hadlayay cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya ayuu ku celiyay dalabkiisii ahaa in Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta si ay dib ugu dhiso ciidamada qalabka sida, si ay ula wareegaan awoodda guud ee dalka.
Dadweynihii dhageysanayay hadallada madaxweynaha ayaa su’aalo dhowr su’aalood weydiiyay, kuwaasoo ku saabsanaa xaaladda dalka, iyadoo uu ka jawaabay madaxweynuhu dhammaan su’aalihii la weydiiyay.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiia ay ka go’an tahay inay gaarsiiyaan dalka oo dhan habka federaalka ah, taasina ay ka horreyso in dastuurka isbedel lagu sameeyo si habka federaalka dalka loogu baahiyo.
Dhanka kale, mudaaharaad looga soo horjeedo madaxweynaha ayaa isla xilligaas ka dhacay illinka hore ee xarunta Chatham House, waxaana ay ku dhawaaqayeen dadka dibadbaxa sameynayay in madaxweynuhu uu talada dalka isku koobay.
C/rashiid Maxamed Daahir oo ka mid ah qaban-qaabiyeyaasha dibadbaxan ayaa sheegay u sheegay BBC-da in mudaaharaadkooda uu yahay mid ay ku muujinayaan sida ay uga walwalsan yihiin habka uu madaxweynuhu wax ku maamulayo. Isagoo sheegay in madaxweynuhu uu la wareegay awooddii maamul ee ra’iisul wasaaraha.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dibadbaxa lagu sameeyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko dad Soomaailyeed oo muujinaya cabashada ay qabaan, balse wuxuu xusay in isaga iyo madaxweynuhu ay ku heshiiyeen inay si wadajir ah u shaqeeyaan, isagoo xusay inaysan jirin cid ku shaqeysa awood uusan dastuurku u ogoleyn.

Monday, February 4, 2013

Rag kasoo goostay Al-shabaab oo lagu soo Bandhigay Degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan


Isniin, Feberaayo, 04, 2013 -- Saraakiisha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta magaalada Baladweyne ku soo bandhigay shan ruux oo sida ay sheegeen ka soo goosatay xarakada Al-shabaab oo ay horay uga tirsanaan jireen.
Col Isaaq Cali C/dulle taliyaha saldhigga booliska magaalada Baladweyne oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in raggan isku soo dhiibay maamulka gobolka Hiiraan siyaabo kala duwan uga tirsanaayeen kooxda Al-shabaab, laakiin markii danbe qaatay go’aanka ah in ay isaga soo baxaan.
‘’Raggan aad arkeysaan waxaa ay horay uga tirsanaan jireen Al-shabaab, iyaga oo ka faa’idesanaya cafiskii madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxaa ay go’aan ku gaareen in ay ka soo haraan kooxdaas, kuna soo biiraan hanaanka nabadda,’’ ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska magaalada Baladweyne.
Bishaar Yuusuf Dacar oo ka mid ahaa raggii maanta lagu soo bandhigay magaalada Baladweyne ee ka soo goostay Al-shabaab, ayaa sheegay in uu mudo dheer ka tirsanaa kooxda, kana dagaallamay gobollka Galguduud gaar ahaan magaalada Dhuusa-mareeb.
‘’Aniga waxaan ka tirsanaa Al-shabaab mudo dheer, gaar ahaan waxaan ka soo dagaallamay qeybo kala duwan oo ka mid ah gobollka Galgaduud si gaar ah magaalada Dhuusa-mareeb, haddana waxaan diyaar u ahay in aan ku biiro ciidamada dowladda,’’ ayuu yiri Bishaar Yuusuf Dacar.
Ragga maanta lagu soo bandhigay magaalada Baladweyne ayaa dhamaantood sheegay in ay ka xun yihiin mudadii ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, xiliganna diyaar u yihiin in ay ka mid noqdaan bulshada magaalada.
Taliyaha qeybta booliiska magaalada Baladweyne Col Isaaq Cali C/dulle ayaa ugu baaqay wali dhalinyarrada ku sii harsan Al-shabaab in ay ku soo biiraan hanaanka nabadda, iyaga oo ka faa’ideysanaya sida uu hadalka u dhigay cafiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Raggan maanta lagu soo bandhigay magaalada Baladweyne ee la sheegay in ay ka soo goosteen Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli dagaal culus oo leysku adeegsaday noocyada hub ku dhaxmaray labo habeen ka hor magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, AMISOM iyo Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain oo London ku kulmay (SAWIRRO)



Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaare David Camer
on

Isniin, February 04, 2013: Waxaa magaalada London, gaar ahaan xafiiska ra’iisal Wasaaraha Britain ee Number 10 ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Britain, sidoo kalena waxay isla soo qaateen xaaladda dalka Soomaaliya kaddib dhismihii dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada mas'uul ayaa waxay kulankan si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha ammaanka Soomaaliya oo dowladda Federaalka muhiimadda koowaad ay siineyso iyo sida ay Dowladda Britain gacan uga geysan karto arrimaha Amniga. Sidoo kalena waxay kulankan iskula soo qaadeen arrimo ku saabsan shirka bisha May ka dhici doona London, kaasi oo ay dowladaha Britain iyo Soomaaliya ay shir guddoomin doonaan.
 
Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron ayaa intii uu socday kulanka waxaa uu caddeeyay in uu  si diirran u soo dhaweynayo  qorshayaasha ay dowladda Soomaaliya dooneyso in ay ku shaqeyso, isla markaana ay dadka iyo dalka ku samatabixiso, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay Soomaaliya la garab taagan yihiin taageero dhinacyo kala duwan leh.

Sidoo kalena Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dowladda Britain uga mahadceliyay taageerada ay Soomaaliya u fidiso, wuxuuna caddeeyay in dadka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin abaalka ay u gashay dowladda Britain.


Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud loogu soo dhaweeyay
10 Downing Street si ka duwan sidii loo soo dhaweyn jiray madaxdii Soomaalida waayo Ra'iisal Wasaare David Cameron wuxuu u soo baxay dibadda si la mid ah sida uu u soo dhaweeyo madaxda kale ee Caalamka, kaddibna wey is-gacan-qaadeen, iyagoo u gudbay halkii loo asteeyay in uu  kulanka ka dhaco, halkaasi oo ay yaalleen labada calan ee labada dal Soomaaliya iyo Britain.

Madaxweynaha Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa 10 Downing Street horay u booqday xilligii Xukuumaddii Gordon Brown, inkastoo maamuuska ay kala duwanaayeen sida ay u kala duwan yihiin dowladaha ay kala metelayeen labada madaxweyne. Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda u dhisan Soomaaliya ayaa waxay u muuqataa mid kasbaneysa aqoonsiga dowladnimo ee beesha Caalamka.

Dowladda Britain ayaa waxay ka mid ah dowladaha waa weyn ee taageerada siisa Soomaaliya, waxaana xusid mudan in ay Dowladda Britain London ku qabatay horraantii sanadkii hore  shir caalami ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, halka bisha May ee soo socotana ay qorsheyneyso in ay shir kale ku qabato London, kaasi oo lagu taageeri doono Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Xasan Maxamuud ayaa hadal ka jeedin doona Daarta Chatham House, halkaasi oo ay doodo isku weydaarsadeen siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kulankan lagu casuumay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada London ayaa wuxuu la kulmay madax ka tirsan Dowladda Britain iyo Hay’adda kaalmada ee UK. Sidoo kalena  wuxuu la hadlay Soomaalida ku nool UK, isagoo sidoo kalena aqoonyahanno kala qeybgalay Dood-wadaag uu soo qabanqaabiyay TV-ga Universal.

Ka hor intii uusan madaxweynaha tegin Magaalada London ee dalka Britain, wuxuu horay u soo maray Magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasi oo uu ku tegay casuumaad uu ka helay Midowga Yurub. Madaxweynaha intii uu ku sugnaa xarunta Midowga Yurub waxaa uu la kulmay madaxda sare ee Midowga Yurub oo si weyn u soo dhaweeyay waaga cusub ee baryay dadka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu horay u booqday dalka Mareykanka, halkaasi oo uu sidoo kale ku tegay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Mareykanka oo uu  la kulmay madaxdeeda sare.

Sunday, February 3, 2013

Xukuumadda Somalia oo guddi gaar ah u saartay Maareynta Hoos u dhaca ku yimid Sarifka Lacagta Doollarka


Axad, Febraayo 03, 2012 - Kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliyaa ayaa lagu magacaabay guddi ka shaqeeya xakameynta hoos u dhaca baahsan ee ku yimid sarifka lacagaha Doollarka, taasoo mudooyinkii u danbeeyay ay cabasho ka muujinayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir.
Wasiir K/xigeenka wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mudane C/shakuur Cali Mire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada oo uu shir gudoominayay ra’isul wasaaraha xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) lagu magacaabay guddi u xilsaaran xakameyn hoos u dhaca ku yimid sarifka lacagta Doollarka ee suuqyada gobolka Banaadir.
Mudane C/shakuur ayaa sheegay in guddiga la magacaabay ay hogaaminayaan wasaaraha ganacsiga iyo maaliyadaha, wuxuuna xusay in maalmaha nagu soo aadan isbedel weyn laga dareemi doono sarifka lacagaha doollarka.
Waxay xukuumaddu u saartay wasaaradaha maaliyadda iyo ganacsiga in ay si deg-deg ah qorshe u keenaan ayadoona dowladdu qaadi doonto tallaabooyin is xig-xiga oo lagu xakameynayo dhibaatada ka dhalatay arimaha sarifka ee lacagaha, si deg-deg ah ayayna dowladdu wax uga qabaneysaa dowladda ayadoona haduu alle yiraahdo laga dareemi doono suuqyada magaalada,” ayuu masuulkani hadalkiisa raaciyay.
Kulanka golaha wasiirada ay uga hadlayeen arinta hoos u dhaca ku yimid sarifka ayaa kusoo beegmaya xilli shacabka reer Muqdisho ay ka dalbadeen xukuumadda Soomaaliya in ay soo farageliso hoos u dhaca ku yimid dollarka, maadaama sicirka raashiinka uu yahay mid aan wax isbadal ah ku iman halka uu siweyn hoos ugu dhacay sarifka Doollarka, arintaasoo siweyn looga hadal hayo magaalada Muqdisho iyo gobollada ku xeeran.
Mudooyinkii u danbeeyay waxa hoos u dhac baahsan laga dareemayay sarifka lacagaha doollarka, waxayna arintani saameyn ballaaran ku yeelatay dadka danyarta ah iyo kuwa  iyagu lacagaha biilka looga soo diri jiray dalka dibadiisa, maadaama sarifka $100 (boqolkii dollar) uu gaaray lacag dhan Sh.Som 1,800,000 (malyan iyo sideed boqol oo kun) halka uu markii hore ahaa lacag dhan Sh. Som 2,200,000  (laba milyan iyo laba  boqol oo kun), waxaana weli sarifku uu yahay mid aan fadhin iyadoona laga cabsi qabo in uu hoos uga sii dhaco halka uu imika marayo.

500 oo askari oo tababar loogu soo xiray Dalka Uganda


Axad, Febraayo 03, 2012- Waxaa maalinimadii jimcaha ee aynu kasoo gudubnay dalka Uganda tababar ciidan loogu soo xiray 500 oo askari, kuwaasoo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar dhanka Militariga ah uga socday dalkaasi.
Wasiirka gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiim Xaaji Max'uud Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan mudadii uu tababarka u socday la siiyay tababarro la xiriira sidii ay u difaaci lahaayeen dalka iyo dadka, wuxuuna xusay in todobaadyada soo socdo dib loogu soo celin doono dalka.
Masuulkani ayaa sheegay in tababarkani ay gacan weyn ka geeysteen ururka Midowga Yurub iyo dowladda Mareykanka, oo uu xusay in ay iyagu bixiyeen qarashaadkii ku baxay askarta loo soo xiray tababarka ciidanimo.
“Ciidankaasi marka ay kusoo noqdaan isbuucyada soo socda dalka, waxaan ugu talogalnay in aanu u furno tababar kale oo socon doona mudo 45 cisho ah,  oo la xiriira dhanka wacyi gelinta iyo wadaninimada iyo Dhishibiliinka iyo sida ugu wanaagsan oo ay u gadan karaan waajibaadkooda ciidan ee ay fulin doonaan,” ayuu masuulkani hadalkiisa raaciyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta dib u dhiska ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, iyadoona dhawaan dowladdu ay ugu baaqday ardeyda dhameysay dugsiyada sare iyo jaamacadaha in ay isa soo diiwaangeliyaan si loo siiyo tababarro islamarkaasina uga mid noqdaan ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya, waxaana maalmihii u danbeeyay isa soo tarayay ardeyda iyagu dooneysa in ay kamid noqdaan ciidamada dowladda kuwaasoo gaarayay goobaha la isku diiwaangeliyo ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay xoogagga Al-shabaab kala wareegeen dhul ballaaran, wallow dagaalyahannada Al-shabaab ay weli ku xoogganyihiin gobollo badan oo katirsan koonfurta dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la Qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya


Axad, Febraayo 03, 2012 - Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dowladda, iyadoona kulankaasi uu ku saabsanaa kala warqaadasho iyo dar-dargelinta howlaha wasaaradaha.
Ra’isul wasaare Saacid oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaalihii uu kala hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, wuxuuna sheegay in kulankooda ahaa mid kala warqaadasho iyo iswareysi, isagoona sheegay in ay uga gun leeyihiin sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha wasaaradaha.
“Ujeedada shirkan maanta aynu kula kulemeyno agaasimeyaashii guud ee wasaaradaha Soomaaliya dhamaantood waxa weeye in aynu isbadalka cusub oo Soomaaliya ka dhacay la xaqiijiyo in uu gaaro meelkasta oo Soomaaliya ka tirsan, wasaaradaha uu sii maro uu gaaro ilaa iyo faraca ugu hooseeya oo maamulka dalka si loo xaqiijiyo isbadal buuxa in lagu talaabsado,” ayuu ra’isul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in hore kulamo kuwan lamid ah uu ula qaatay golaha wasiirada isalamarkaasina ay kawada hadleen sidii isbadalka cusub ee Soomaaliya loogu baahin lahaa guud ahaan gobollada dalka.
Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale hadaladiisa kamid ahaa: “Maantana waxaanu isugu nimid tirada intan la eg, dantuna waxa weeye inaan is wada wargelinno, inaanu wada hadalno oo wax kala baranno inaanu isla qaabeeyno sida ugu fiican oo fariinta isbadalka Soomaaliya ay u gaari lahayd Soomaaliya oo dhan.”
Kulanka uu ra’isul wasaaraha Soomaaliya la qaatay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay maamulka dowladda ugu baahin lahayd guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo sheegay in uu fashilmay qorshe ay damcsanayeen Al-shabaab


Axad, Feberaayo, 03, 2013 -- Kadib dagaal culus oo habeen hore ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowga Africa ee AMISOM iyo Al-shabaab, ayaa markii ugu horeeysay waxaa HOL dagaalkaasi iyo sida uu u dhacay uga waramay taliska ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyne.
Saraakiisha AMISOM waxaa ay sheegeen in weerarkii habeen hore uu ahaa mid ay isku soo baheysteen kooxda Al-shabaab oo sida ay sheegeen iska soo urursaday degmada Buula-burte, Moqokori, Buq-aqbale, iyo deegaanno ku dhaw-dhaw magaalada Baladweyne, kuwaasoo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 400 sida ay xaqiijiyeen dadka ku dhaqan deegaannada ay soo mareen kooxaha weerarka soo qaaday.
"Ujeedkoodu waxaa uu ahaa in ay qarxiyaan ama gooyaan Buundada-Liiqato oo muhiim u ah isku socodka magaalada, islamarkaana go’doomiyaan ciidamada dowladda ee ku sugnaa xaafadda Howl-wadaag, laakiin taa uma suurtagalin oo khasaare ayeey kala kulmeen weerarkaa ay soo qaadeen,’’ ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyn oo codsaday in aan magaciisa la xigan.
Waxaa uu sheegay in ciidamadooda oo isticmaalaya qibrad sare, ku qasbeen kooxihii weerarka soo qaaday in la kala jaro lana go’doomiyo, taasoo u suurta-galin weysay buu yiri intoodii weerarka soo qaaday in ay iska warqabaan.
''Sidii ay ku fikirayeen iyo wixii ay la kulmeen ayaa is yeelan waayay, iyagii dagaalka ku wada jiray ayaa xitaa kala lumay, kadib markii kooxba dhinac lagu go'doomiyay, waana tan keentay in khasaaraha ugu badan uu dhinacooda soo gaaro,'' ayuu sargaalku hadalkiisii raaciyay.
Mar uu soo hadal qaaday inta uu ka og-yahay khasaaraha ka dhashay dagaallka waxaa uu sheegay in ay ku dilleen dagaallka rag badan oo ka tirsanaa Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal sare iyo ajaanib waa siduu hadalka u dhigaye.
"Dhimashada sida aynu warka ku heyno waxaa ay dhinacooda gaartay 21 ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, waxaana ku jira dadka dhintay horjoogihii dagaalka oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Qaxwe, sidoo kale waxaa aragnay meydkiisa shaqsi ajnabi ah oo dagaalka ku dhintay, dhinaceena waxaa dhintay hal askari oo kaliya.’’
Waxaa uu sheegay in howlgal markiiba ay sameeyeen ciidamada Jabuuti ay ku soo qab qabteen rag ka tirsan kooxda Al-shabaab oo qaarkood sida uu sheegay dhaawacyo qaba, xiligaanna ku jira gacantooda, islamarkaana ciidamada isku fidiyeen dhul balaaran oo ka mid ah deegaannada ku yaala daafaha magaalada Baladweyne.
‘’Dabcan awoodoodii in la wiiqay waxaa cadeyn u ah tirada ay ku soo dagaal galeen iyo khasaare ay markii danbe la kulmeen, annaga mar walba waa ay naga go’an tahay in aan gacan siinno dowladda Soomaaliya,’’ ayuu hadalkiisa raaciyay.
Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayeey ugu baaqeen saraakiisha ciidamada AMISOM in ay gacan ka siiyaan sidii looga hor tagi lahaa kooxo uu sheegay in ay carqalad ku yihiin nabadgelyada.
Dagaalkii magaalada Baladweyne ku dhexmaray ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii ay ciidamada AMISOM soo gaareen Baladweyne horaantii sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2012-ka.

Kubadda Kolleyga: Faysal Jama Adan oo jabiyey recorkii dhibcaha ee FIBA



Axad, February 03, 2013 - Uruka kubadda kulayga ee adduunka (FIBA) ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegeen in Ciyaarhanka Soomaaliyeed Faisal Jama Adan uu jabiyey recorkii dhibcaha ugu badan ee hal ciyaar horayna uu dhigay Oscar Schmidt oo ah nin Brazil ah ciyaarihii Olympics ee lagu qabtay magaalada Seoul ee K. Korea sannadkii 1988.
Faisal Jama Adan ayaa rekoorkaas ku jibiyey 59 dibcood ciyaartii Soomaalida ay la gashay dalka Rwanda isaga oo dhaliyey 59 dhibcood. Rekoorkii horay u yaalay ayaa ah 55 dhibcood. Faisal ayaa intii ay ciyaaraha is reeb-reebka zoonka 5aad ee Afrika dhaliyey 145 dhibcood wuxuuna halkaas ku qaatay koobka dhibcaha ee loo yaqaano (High Scorer).
Cumar Baarajab oo ah tababaraha xulka qaranka ee kubadda koleyga ee Soomaaliyaa ayaa sheegay in ay dhallinyarada ka qaybgashay tartanka FIBA ee zonka 5naad ee Afrika ay leeyihiin mustaqbal wanaagsan ayna ku rajo weynyihiin in ay tartamada soo socda ay guul ka gaaridoonaa.
Bisha Juune ee sannadkan ayaa la rajeynayaa in ay ciyaartooyda qaranka ee kubadda kulayga ka qaybgalidoonaa ciyaaraha dalalka Islaamka ee ka dhicidoona dalka Indonesia. Sidoo kale isla sannadkaan bisha September ayaa la filayaa in ka qaybgalaan ciyaaraha zoneka shanaad ee FIBA kana dhicidoonta dalka Uganda.

Macalin Baarajab, tababaraha xulka kubadda kulayga ee Qaranka Soomaaliyeed
Macalin Baarajab oo u waramayey Hiiraan Online ayaa ka warbixiyey Sababaha keenay in ay suuragasho ka qayb-galka ciyaaraha Kubadda Kulayga ee Africa iyo Carabta isaga isaga oo sheegay in aay wada tashi iyo xog-aruuein wada galeen Xoghayaha kubadda kulayga Saciid Faarax, tababaraha Xulka Qaranka Cumar Baarajab, Bashiir Fox iyo Axmed Muuse sida ugu haboon ee looga faa'ideysankaro ciyaartooyda Soomaaliyeed ku nool qurbaha oo qaar ka mid ah ay ka ciyaaraan kulliyadaha Mareykanka, Canada, Europe iyo Australia hal meelna laysugu keeni lahaa si ay matalaan Qaranka Soomaaliyeed. Tababare Baarajab iyo Xoghayaha Saciid ayaa waxay abaabuleen in loo qaybiyo qaarad-qaarad (Somalia, USA, Canada, Ustralia, Europe iyo Middle East) ka dib waxaa u suura gashay in ay soo xulaan ciyaartooydii ugu wanaagsaneyd oo matali lahayd Qaranka Soomaaliyeed.
"Waxaa jira ciyaartooy Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool lehna xirfad ciyaartooy laakin aanan ka warqabin. Waxaan baadigoobidoonaa ciyaartooydaas qarsan si markaas aan u helno ciyaartooyda ugu wanaagsan matali kartana qaranka Soomaaliyeed" ayuu yiri macalin Baarajab
Tabare Baarajab ayaa uga mahadceliyey dhammaan dadkii qayb-qaatay aruurinta ciyaartooydaas ha noqto xag dhaqaale iyo xag fikradeed  islamarkaana galiyey juhdi weyn sidii ay ciyaartooydaas uga qayb-gali lahaayeen tartankaas. Wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa sharikadaha ay ka mid yihiin: Jubba Airway, Jubba Express, Xawaaladda Bakaal, Xawaaladda Mustaqbal iyo sharikadda al-muxaram General Trading oo dhammaantood ku sugan dalka Imaaraatka. Waxaa sidoo kale qayb weyn ka qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo hya'dda HIRDA ee dalka Holland.
Waxaa kale ee aan la iloobi karin soo dhaweyntii weyneyd ee ay kala kulmeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Tanzania kuwaas oo habeen waliba ka qayb-gali jiray ciyaaraha ka socda garoonka. Waxaa si gaar ah cayaartooyada iyo tababarayaasha ugu mahadcelinyaan loogu ganacsi Mahad Garguurte si weyn uga qayb-qaatay soo dhaweynta cayaartooyada.

Saturday, February 2, 2013

Suldaan ka tirsanaa Isimmada Waaweyn ee Puntland oo Maanta lagu Toogtay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Sabti, Feberaayo 02, 2013  — Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa suldaanka guud ee beelaha Ugaar Saleebaan, ayaa barqanimadii maanta lagu toogtey bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Puntland Col. Cabdicasiis (Gacamey) oo ay suldaanka ehel yihiin, islamarkaana warbaahinta maxalliga ah dilka kadib la hadlay, ayaa sheegay in suldaanka ay toogteen rag ku lebisnaa diriiska ciidamada.
Wuxuuna intaas raaciyey in dableyda suldaanka diley oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca ee AK47 ay durbadiiba goobta ka baxsadeen, si dhab ahna aan ilaa iyo hadda loo aqoonsan.
Goobta uu dilku ka dhacay ayaa ah faras magaalaha, waxaana ka agdhow xarumo badan oo ay dowladdu leedahay, kuwaasoo ay kamid yihiin: xarunta dowladda hoose, xarunta maamulka gobolka, Bankiga iyo xarunta taliska Booliska ee gobolka Bari.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo dhinaca dowladda kasoo baxay oo ku aadan dilka Suldaan Muuse Faarax Muuse, waxaase socda baaritaanno arintaas la xiriira oo ay Boolisku wadaan.
Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa Isim si weyn looga tixgeliyo Puntland, waxaa la filaya in saacadaha soo socda lagu aaso isla magaalada Boosaaso.
Dilalka qorsheysan ayaa labadii sano ee ugu danbeeyey si aad ah ugu soo badanayey magaalada Boosaaso, wuxuuna dilkani noqonayaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka dhaca sanadka cusub ee 2013.

Magaalada Hargeysa oo lagu soo bandhigay buug laga qoray Taariikhdii Shiikh Isxaaq oo loo bixiyay Dheemantii Lagu Maamusay Maydh

Sabti, Feberaayo 02, 2013  — Buug cusub oo lagu soo koobay taariikhdii Sheekh Isxaaq Binu Axmed ayaa xalay lagu soo bandhigay hoolka hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ee xarunta Somailland.
Xaflad loo sameeyey daah-furka buugan cusub oo si qoto dheer uga warramaya taariikhdii Sheekh Isxaaq Binu Axmed oo ay ku abtirsadaan qaar ka mid ah beelaha dega Somaliland ayaa waxa ka soo qaybgalay dadweyne aad u faro badan iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo amaanay buugan iyo taariikhda uu ka hadlayo.
Xafladan lagu soo bandhigayey Buugga waxa soo qaybanqaabiyey wargeyska Jamhuuriya oo hore u daabacay buuggaas oo loogu magac-daray “Dheemantii Lagu Maamusay Maydh’, isla markaana uu qoray Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa Mr. Maxamed Cabdi Daa’uud, waxaana daahfurkaasi ka soo qaybgalay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Mr. Xasan Siciid Yuusuf, Maareeyaha Guud ee Jamhuuriya Media Group (JMG) Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil iyo mart-sharaf kale oo tiro badan.
Maareeyaha Guud ee Wargeyska Jamhuuriya Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in wargeyska Jamhuuriya hore buuggan oo dhammaystiran si taxane ah u daabacay, isagoo tilmaamay in buuggaasi xambaarsan yahay xogo aad u muhiim ah oo ku saabsan taariikhdii Sheekh Isaxaaq Binu Axmed oo hadda ka hor aan waxba laga qorin, waxaannu u mahad-celiyey qoraaga Maxamed Cabdi Daa’uud.
Waxa kale oo Maareeyuhu uu guud ahaan bulshooyinka ku abtirsada Sheekh Isaxaaq ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iidaystaan xogaha buuggani xambaarsan yahay si ay wax uga bartaan isirkooda iyo halka ay ka soo jeedaan.
Sheekh Ismaaciil Muxumed Ibraahim oo aqoon fiican u leh taariikhda Sheekh Isxaaq ayaa isagu si qooto dheer uga sheekeeyey maraaxisha ay soo martay sooyaalka Sheekh Isxaaq, isagoo aakhirkiina da’ yartii iyo masuuliyiintii madasha timi ku dhiirigeliyey inay si fiican u dhugtaan taariikh dhacdooyinka iyo taariikhda uu buuggan xambaarsan yahay.
Xogyaha Guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo ka mid ahaa akhristayaashii sida joogtada ah ula socday qormooyinkii buugga ee sida joogtada ugu soo bixi jiray wargeyska Jamhuuriya, kaasoo faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii xiiso geliyey ee uu buuggu xambaarsana, isla markaana ku amaanay qoraaga inuu dadkiisa u soo gudbiyey wax dhaxal gal u noqda oo laga faa’iidaysan doono.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isagu tilmaamay inuu hore ugu talo jiray in uu aasaaso mac-had lagu barto culuumta diinta oo laga aasaaso halka uu ku aasanyahay si wax loogu baro da’yarta soo koraysa, isagoo u soo jeediyey dhammaan dadkii buuggan ka qaybqaatay hirgelintiisa inay arrintaasna ka shaqeeyaan si shacabka loogu faa’iideeyo, laguna baro diinta iyo taariikhdooda.
Qoraaga Buugan Maxamed Cabdi Daa’uud oo isagu qoray buggaag badan, qaar kalena turjumay ayaa dadka halkaas uga akhriyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee buuggiisan xambaarsan yahay, isagoo waliba si qoto dheer u taabtay dhacdooyin tabanaayey dhibaatooyinka taariikheed ee uu soo maray Sheekh Isxaaq.
Qoraaga Buugan ayaa inta badan ka soo xiganayey qoraalo badan iyo buugaag badan oo ku qoran af carabi oo laga qoray Sheekh Isxaaq, kaas oo uu af soomaali ku soo turjumiyey, isagoo sheegay in buugaagtaasi uu ka soo xigtay ay yihiin kuwa ay qoreeen qoraayo carbeed oo qoraalkooda la is ku waafaqsan yahay, isla markaana aad loo ixtiraamo buugaagtoodda.
Dadweynihii halkaas ka qaybqaatay ayaa iyagu su’aalo ka weydiiyey qoraaga buuggisan, waxaanu dhamaantood uga jaaabnay su’aalihii ay waydeen dadweynihii u badnaa ardayda jaamacadaha.Waxaana halkaas lagu iibsaday buuggaagtii ugu horraysay ee laga daabacay buuggan, kuwaasoo dadweynihii ka soo qaybgalay ay aad uga heleen waxyaabaha uu xambaarsan yahay buuggani.

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dhaqdhaqaaq ciidan kawada deegaanno Hoostaga Magaalada Baladweyne

Sabti, Feberaayo 02, 2013 — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa dhaq dhaqaaqyo militari ka wada deegaanno hoostaga magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.
Howlgalka militari ayaa bilaawday kadib markii habeen hore xoogagga Al-shabaab weerar culus oo soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan.
Taliyaha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan Col Tawane Axmed Gurey ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM isku fidiyeeen dhul ballaaran oo horay ay saldhigyo ugu ahaa xoogagga Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in saacadaha soo socda u sii dhaqaaqi doonaan ciidamada isbaheysanaya deegaanno kale.
“Ciidamada waxaa ay xiligan ku sugan yihiin deegaanno dhowr ah oo ka baxsan magaalada Baladweyne, waxaana uu qorshuhu yahay in la gaaro dhulka wali ku harsan gacanta Al-shabaab ee ka tirsan gobollka,’’ ayuu yiri Col. Tawane Axmed Gurey.
Dagaallkii habeen hore ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee waayadan soo mara magaalada, waana markii ugu horeysay oo si toos ah uu dagaal uu u dhaxmaro ciidamada Jabuuti iyo xoogaga Al-shabaab.
Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in dagaallkii habeen horee khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday kuna dileen rag sar sare oo ka tirsanaa xarrakada Al-shabaab.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dib u dhigtay dacwad loo haysto shan ruux oo ay ku jiraan Wariye iyo Haweeney la kufsaday

Sabti, Feberaayo 02, 2013  — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay manta dacwadda loo haysto shan ruux oo ku eedeysan inay ka been abuureen ciidamada dowladda, kuwasoo ay ku jiraan wariye Koronto, haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda iyo saddex ruux oo kale, kuwaasoo uu ku jiro sayga haweeneyda la kufsaday.
Xeer-ilaaliyaha maxakmadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in dacwadda dib loo dhigay illaa maalinta Talaadada ah ee soo socota, kaddib markii la waayay markhaatiyaal ku filan, dibna loo dhigay illaa shanta bishan.
Dacwad-oogaha ayaa sheegay in wariye C/casiis uu faafiyay warar been ah, sidoo kale haweeneyda la kufsaday ayuu sheegay inay been abuur sameysay inkastoo haweeneyda ay ku adkeysanayso in la fara-xumeeyay.
Seyga haweeneyda iyo laba qof oo iyagana la sheegay inay ku lug leeyihiin dacwadda ayaa lagu oogay inay ku dhiirri-geliyeen haweeneyda inay sheegto in ciidammo ka tirsan dowladda ay kufsadeen.
Wariye C/casiis Koronto iyo eedeysanayaasha kale ayaa iyaguna diiday inay qabaan dacwadda lagu soo oogay, iyadoo qareennada eedeysanayaashan ay ku doonayaan in dambiyada lagu soo eedeeyay aysan qabin.
Lama oga go’aanka ay qaadan doonto maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo dacwaddan ay tahay tii ugu horreysay nooceeda oo maxkamadda gobolka Banaadir ay qabato.
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku tilmaamay dacwaddan mid aan waddo sax ah ku fadhin, iyagoo maxkamadda weydiistay inay saxdo khaladaadka ka muuqdan dacwaddan. Iyadoo wariye C/casiis Koronto uu xiran yahay tan iyo 10-kii bishii hore iyadoo aan maxakmad la horgeyn.

Madaxweynaha Soomaaliya oo howlo shaqo u jooga London


Sabti, February 02, 2013-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heersare ah oo howl shaqo u jooga London ayaa maanta kulamo la qaatay saraakill sar sare oo ka tirsan dowladda Ingriiska.
Kulamadaan ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay R/Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Faarax Sh. Cabdulqaadir, la-taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.
Wafdiga ayaa waxaa saaka qaabilay saraakiisha ugu sarreysa xagga amniga ee dowladda Ingiriiska, waxaana halkaas looga hadlay qaabkii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa nabadda, Amniga ayaa wuxuu kow ka yahay Lixda tiir Sayaasadeed ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu la kulmay hey’adda u qaabilsan dowladda Ingiriiska, dhanka horumarinta.Goobtaas wuxuu Madaxweynaha ka sharaxay qaabka ay dowladda Federaaalka Soomaaliya ku dooneyso in ay u geyso geeyso adeega bulshada gobolladda dalka oo dhan.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tukaday Masaajidka Islamic Cultural Center, halkaasna uga mahadceliyay maamulka masjidka, adeegga ay u hayaan Muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska.





Golaha Ammaanka ee Ummadaha Midoobay oo Go’aan ka Qaadanaya Cunno-qabteynta hubka ee Saaraan Soomaaliya

Sabti, Feberaayo 02, 2013 — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ka qaadanaya cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya 21-kii sano ee lasoo dhaafay, si dib loogu dhiso ciidamada xoogga dalka oo dagaal kula jira xoogagga Al-shabaab.
Cunno-qabteynta hubka kusoo rogay Soomaaliya sannadkii 1992, si looga hortago inay sii xoogeystaan dagaallo u dhexeeyay dagaal oogayaal isku haystay talada dalka, kaddib laba sano markii la tuuray dowladdii hore ee milateriga ahayd.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Saacid ayaa noqonaya mas’uuliyiintii ugu horreeyay ee hoggaamiya dowlad rasmi ah oo Soomaaliyeed tan iyo sannadkii 1991-kii maraaskoo si fudud xukunka looga tuurtay dowladdii uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre.
“Si loo xoojiyo dadaallada socda waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon oo la hadlayay 15 xubnood ee golaha ammaanka. Isagoo intaas ku daray: “Sidaa daraadeed, golaha ammaanka waxaa laga doonayaa inay tixgeliyaan codka dowladda Soomaaliya ay ku dalbatay in laga qaado cunno-qabteynta hubka.”
Inkastoo dowladda Soomaaliya ay doonayso inay dib u dhisto ciidamadeeda xoogga dalka ayaa haddana waxaa dalka ku sugan 17,600 oo askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaaso ciidamada dowladda gacan ku siinaya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.
“Xilligan ammaanka Soomaaliya waa mid soo hagaagaya, balse wax-iska-caabintu waa mid weli taagan. Dagaalyahannada kasoo horjeeda dowladda weli waxay wadaan weerarro argagaxiso iyo dilal qorsheysan,” ayuu Ban ku yiri warbixintiisa.
Sidoo kale, Ban Ki-Moon wuxuu sheegay in kooxaha qas-wadayaasha ah aan loo ogolaan inay helaan fursadaha ay raadinayaan. Isagoo xusay in loo baahan yahay in si feejigan loola socdo kooxahaas.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay dib u eegis ku sameeyaan horraanta bisha Maarso ee snnadkan muddada howlgalka ciidmada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya. Sidoo kale goluhu wuxuu bishan dhamaadkeeda adkeyn doonaan xayiraadda lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, taasoo la sheegay inay Al-shabaab ka hesho dhaqaale badan.

Friday, February 1, 2013

Dowladda Kenya oo sheegtay in Duqeyn diyaaradeed oo ay ka fulisay Gobolka Gedo ay Khasaare ugu geystay Al-shabaab


Sabti, Feberaayo 02, 2013 — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka geysatay gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ay ku dishay tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena ay ku burburisay gaadiid dagaal iyo kuwo xamuul.
Afhayeenka milteriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay inay gubeen saddeex gaari oo ay ku rarnaayeen rasaas, laguna gubay duqeyntaas saldhig ay Al-shabaab ku lahayd meel ku dhow degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
“Dadka dhintay waxaa ku jiray sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan, kaasoo lagu magacaabi jiray, Sheekh Nuur Dheere. Waxaana la rumeysan yahay in sarkaalkan uu ka dambeeyay weerarro Qaraxyo ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo,” ayuu yiri Col. Oguna.
Ciidamada Kenya oo gudaha Soomaaliya soo galay bishii Oktoobar ee 2011 ayaa waxay hadda ka mid yihiin kuwa AMISOM ee ka howgalaya Koonfurta Soomaaliy, waxaana dhowr jeer oo hore ay duqeymo ka geysteen deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, inkastoo qaarkood ay ku dileen dad shacab ah.
“Tiro ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ayaan ku dilnay duqeynta, tiro kalena waan ku dhaawacnay,” ayuu yiri afhayeenka, inkastoo Al-shabaab aysan weli wax war ah kasoo saarin duqeyntan.
Goobjoogayaal ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeymo xooggan ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud, iyadoo duqeyntan ay noqonayso tii ugu horreysay oo sannadkan cusub ay ciidamada Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya.
Duqeyntan ayaa imaanaysa, iyadoo Al-shabaab ay dhawaan soo saartay war ay ku sheegayso inay dili doonto muwaadiniin Kenyan ah oo ay gacanta ku hayso haddii aan illaa 14-ka bishan laga sii-dayn xabsiyada Kenya dadka u xirxiran falalka argagaxisonimo, inkastoo Kenya ay ku gacan-sayrtay inay arrintaas kala hadasho Al-shabaab.