Soomaaliweyn

Booqo Shabakada Wararka Soomaaliweyn.net.

shabakada wararka soomaaliweyn

Kala soco wararkii ugu danbeyey ee dalka hooyo.

Thursday, January 31, 2013

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Aqoonsiga Soomaaliya ay heshay ma ahan mid cid gaar ah lagu dhibaateynayo”

Khamiis, Jannaayo 31, 2013 — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayay hadal uu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku sheegay in aqoonsigii uu siiyay Mareykanka dowladda Soomaaliya aanu quseyn Somaliland.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aqoonsiga Soomaaliya la siiyay ay dani ugu jirto Soomaalida oo dhan. Isagoo Intaas ku daray in aqoonsigan aysan dani ugu jirin qof iyo gobol gaar ah, balse uu yahay mid ay maslaxadi ugu jiro Soomaalida oo dhan.

"Waxaa qabaa in aqoonsiga dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub ay siiyeen dowladda Soomaaliya aysan ahayn mid cid gaar ah lagu lug-goynayo ama lagu dhibaateynayo. Aqoonsigaas ma ahan mid ay dan gaar ah ugu jirto Xasan Sheekh, reer hebel uma sameyneyso dan gaar ah, balse Soomaaliya oo dhan ayuu macno u sameynayaa. Somaliland inay ka faa'iiddo mooyee wax kale oo dhib ah ugama imaanayaan," ayuu yiri Xasan Sheekh oo BBC-da la hadlayay.

Madaxweynaha Soonmaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mowifkooda yahay mid cad, isla markaana ay diyaar u yihiin in la mideeyo Soomaaliya, iyadoo aan lagu raadinayayn dagaal iyo jujuub.

"Mowqifkeenna horay ayaan u caddeynay, waxaan rabnaa in Soomaaliya la mideeyo, dagaal kuma mideyneyno, cidna culeys ma saareyno, laakiinse waxaa billowday wadahadal wixii aan isku af-garanno ayaa shaqeynaya. Somaliland iyo Puntland colaad gooni uma hayno, aqoonsiga waa mid faa'iido u wada ah Soomaalida oo dhan, dadka Soomaaliyeed ayaa u caddeynaynaa, faa'iidada magacaas ku timaada Soomaaliya oo dhan ayay wada-gaareysaa," ayuu madaxweynuhu ku yiri wargeysigiisa.

Madaxweynaha Somaliland, Siilaanyo ayaa sheegay in xitaa 100-sano haddii ay kasoo wareegto aysan la midoobayn Soomaaliya, ayaanu ka madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlin isagoo sheegay inuusan hadlkaas maqal, laakiin ay muhiim tahay in isaga wax laga weydiiyo, isagoo sheegay in wadahadalka u billowday Soomaaliya iyo Somaliland uu yahay mid lagu niyad-san yahay.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sharaf iyo karaamo ku yeelan karto midnimada, taasna ay u tahay faa'iido weyn u tahay Soomaalida oo dhan, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay xaqiijinayaan maslaxada ummadda Soomaaliyeed.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day muddo hadda laga joogo 20-sano, balse ma helin aqoonsi caalami ah, iyadoo madaxda Somaliland ay aqoonsiga dowladda Soomaaliya ku tilmaameen mid dhabar-jab ku ah gooni-isku-taaggooda.

Tuesday, January 29, 2013

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Brussels ee Dalka Belgium


Talaado, Jannaayo 29, 2013— Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halkasoo uu kaga qaybgalayo shir ay leeyihiin dalalka Midowga Yurub, kasoo lagu soo qaadayo arrimaha dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa casuumad rasmi ah ka helay ururka Midowga Yurub, iyadoo madaxwynuhu uu la kulmmi doono madax kala duwan oo ka tirsan kuwa Midowga Yurub.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya isla markaana ah ra'iisul wasaare ku xigeenka, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu kaga qaybalay dalka Itoobiya shirkii madaxda Midowga Afrika, isagoo weydiistay dalalka Afrika inay caawiyaan Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dal salbool ah oo u baahan gacanta walaalahood.
Warsaxaafadeed laga soo saaray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safarrada madaxweynaha ay qayb ka yihiin sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka.

"Dhamaan madaxda dowladaha Afrika, xoghaya guud ee Qaramada Middobay iyo Midowga Yurub waxi wadajir ah u soo dhaweeyeen safarkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalka Maraykanka iyo aqoonsigii dhawaan dalkaas uu aqoonsaday dowladda Soomaaliya kadib muddo ka badan 20-sanno," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada.
Safarkan ayaa noqonaya kii 13-aad oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dal caalamka ku yaalla, iyadoo lagu wado in safarkan kaddib uu booqasho ku tago dalka Britain, halkaasoo bisha Maarso ee sannadkan uu ka dhici doono shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ruuxii Ismiidaaminta sameeyay uu ka soo goostay Xarakada Al-shabaab


Talaado, Jannaayo 29, 2013— Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ruuxii ismiidaaminta ka geystay afaafka hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo madaxtooyada ku dhow uu kasoo goostay Al-shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay inay soo gudbin doonaan magaca ruuxan oo ka tiranaa hay'adda nabadsugidda Qaranka, isagoo hadalkiisa ku daray in hal askari oo ciidamada dowladda ka tirsan uu ku dhintay weerarkaas.
"Ciidamadii fashiliyay weerarka ayaan u mahadcelinaynaa, weerarkuna wuxuu ahaa mid fashilmay oo uu ku dhintay ruuxii weerarka qaaday iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo kale," ayuu yiri wasiirka wafaafinta.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay baaritaanno ku hayaan sidii uu qaraxu ku dhacay iyo halka laga soo abaabulay, isagoo xusay inay ku rajo weyn yihiin in qaraxan uu noqon doono kii ugu dambeeyay oo ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho.
Ma jirto cid sheegatay inay weerarkaas ka dambeysay, iyadoo si weyn ay u cambaareeyeen weerarka dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Ruuxa ismiidaaminta sameeyay ayaa la sheegay inuu doonayay inuu isku qarxiyo xarun ay ha'yadda nabadsugidda Qaranka ku leedahay gudaha madaxtooyada, balse ciidammo ku sugnaa koontarool ku dhow xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa ogaaday in ninkan uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa, taasna ay keentay inuu isla goobta isku qarxiyo.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortagayso falalka noocan oo kale ah, iyadoo aysan jirin mas'uul ka tirsan dowladda oo wax ku noqday weerarkaas.

Ruux Ismiidaamiyay oo isku Qarxiyay Afaafka hore ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Muqdisho


Talaado, Jannaayo 29, 2013 — Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiro ruux ismiidaamiye ahaa ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin oo ka dhacay afaafka hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay weerarkaas tiro kale.
Weerarkan oo aanay weli cidina sheegan ayaa waxaa lala beegsaday ciidammo ku dhowr guriga ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aysan jirin dhibaato weerarkaas kasoo gaartay ra'iisul wasaaraha oo xilligaa ku sugnaa xafiiskiisa.
Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ay magadciisa ku sheegeen C/qaadir Cali ayaa sheegay in tirada dhimashada ay gaarayso lix qof, kuwaasoo uu ku jiray ruuxii ismiidaaminta sameeyay.
Balse war aan  ka helnay xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in hal askari oo oday ahaa uu ku dhintay weerarkaas, saddex askari oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhammaantood ka tirsanaa ilaalada xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
"Qarax weyn ayaa dhacay, waxaan arkay dhaawacyada iyo dhimashada askar fara badan oo isbitaallada loola cararayo, goobta oo dhanna waxaa xiray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda," ayuu yiri goobjooge lagu magacaabay Maxamed Xuseen oo u warramayay wakaaladaha wararka caalamka.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan baaritaanno ay ciidamada dowladdu ku sugayaan ammaanka, waxaana uu weerarkan noqonayaa kii ugu horreeyay oo sannadkan ka dhaca afaafka madaxtooyada Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu wadaa inuu shir jaraa'id oo uu ku faahfaahinayo qaraxaan qabto goor dhow. Iyadoo la sheegay in ruuxa Ismiidaaminta sameeyay uu ku socday xarunta nabadsugidda Qaranka ay ku leedahay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.
Sannadkii hore ayaa waxaa qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada, inkastoo aysan jirin cid ka tiran dowladda oo wax ku noqotay weerarkaas.

Monday, January 28, 2013

Kulan Talo-wadaag ah oo looga Hadlayey Midnimada iyo Horumarka Somalia oo lagu qabtay Gobolka Minnesota



Isniin, Jannaayo 28, 2013 — Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen shaqsiyaad ka shaqeeeya arrimaha bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa markii labaad lagu marti qaaday prof: Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, oo labaduba ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya. Iyadoona ay madasha kulankan soo xaadireen in ka badan dad lagu qiyaasay sadex boqol oo ruux.
Ugu horreyn, waxaa furitaankiisi  ka hadlay Sadik Warfaa, oo madax u ahaa shaqsiyaadkii soo abaabulay, waxaana uu sharaxay ujeedada iyo aragtida ka dambeysa, oo uu ku tilmaamay in ay tahay siddii bulshada Soomaaliyeed u wadaagi-lahaayeen afkaartooda iyo aragtida guud ee ku saleysan midnimada iyo horumarka Soomaaliya.
Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr haatanna ah xildhibaan ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya, oo ka mid ahaa dadkii madasha lagu casuumay ayaa sheegay in ay Soomaaliya soo martay marxalad iyo waqti dhib badan, waxaana uu sheegey in uu haatan dalka ka jiro nidaam dowli ah oo maraya heer-bilow ah, hase ahaatee loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa, islamarkana guud ahaan gobollada iyo deegaannada Soomaaliya loogu baahin lahaa.

“Meeshaan “Soomaaliya” hal qof iyo labo toona waxba sameynkaraan, waana taasi waxa loogu baahan yahay koox wada shaqeysa, sababtoo ah dhibaato badan ayaa taala. Waana taasi waxa looga baahan yahay Xassan Sheekh “Madaxweynaha” iyo ra’isal wasaare Saacid,” ayuu yiri Cali Khaliif.
Aas-aaska qaranka iyo midnimadda Soomaalida
Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ahaa murashaxiintii ka qeybgalay tartankii doorashada madaxtimada Soomaaliya ee sanadkii hore, oo hadalkiisa ku saleeyey dhowr qodob ayaa mar uu ka hadlayey  midnimada iyo aas-aaska qarannimo ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in helitaanka ummuurtaasi ay gun-dhig u tahay in ugu horreyn dalka laga hirgaliyo nidaam cadaaladeed oo shaqeyn kar, islamarkaana loo saman yahay.
Waxaa uu sheegay in burburkii dalka ka dhacay ay sabab u ahayd, iyadoo si wanaagsan aan loo qeybsan habka maamulka iyo talo wadaaggii uu wadanku lahaa, islamarkaana si taasi loo saxo loo baahan yahay in ugu horreyn dhowr arrimood si weyn loo daraaseeyo, kuwaasi oo ugu horreeyo nidaamka qabiilka Soomaalidu ay muddooyinkii dambe wax ku qeysanayeen ee 4.5-ta, kaas oo uu sheegay in uu si gaar ah u duudsiinayo dad gooni ah xaquuqdii ay bulshada ku dhex lahaayeen.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in nidaamka feedaraalka ay ee ay ku dhisan tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya ka jirta uu yahay mid muddooyinkii dambe wadanka galiyey dhibaatooyin iyo kala qobqobnaan fara badan, kuwaasi oo ay ka mid tahay in ay sameysmaan wax ka badan 30 maaul gobolleed oo aan qaarkood lahayd awood iyo talo muuqata.
Aqoonsiga uu Mareykanku siiyey dowladda Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan si rasmi ah markii ugu horreysay muddo ka badan 21 sanno u aqoonsatay dowladda cusub ee ka jirta Soomaaliya. Aqoonsigaasi ayaa mar uu ka hadlayey prof: Axmed Ismaaciil Samatar waxaa uu sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay Soomaaliya, hase ahaatee madaxda hogaaminayso dowladda cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan siddii fursaddaasi loo maali-lahaa.
“Waa wax la filayey in ay dowladda Mareykanku soo rogaal-celiso, oo ay ogaato in ay dadka Soomaaliyeed yihiin dad toosi kara oo wax qabsan-kara. Waana fursad iyo rejo wanaagsan, laakiin waa in lala yimaado xirfad iyo sida looga faa’ideysanayo. Illaa ma ahan uun mucaawino na siiyee,” ayuu yiri Axmed Ismaaciil Samatar.
Soomaaliland iyo aqoonsiga Mareykanka
Samatar, waxaa uu sheegay inkastoo uu aqoonsigaasi yahay fursad wanaagsan oo Soomaalida u soo hoyatay, hadana uu dhibkiisa wato, haddii aysan qeyb ka Soomaaliland, oo iyadu wixii ka dambeeyey burburkii Soomaaliya sheeganaysay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
“Lama oran karo dowladda Mareykanku waxaa ay aqoonsatay dowladdaa Soomaaliya, intiina kalana socdoo hoos-gala..Hadeed taarikhda intii ka horreysay lama aasi-karo ee ogaada. Soomaaliland iyo wax ay tabanayaan haddii aan xisaabta horray looga darin. Anigu waxaan qabaa halkaa musbaar weyn oo taayeerada qarxinaya ayaa ku jira,” ayu yiri Axmed Samatar.
Kulankan oo ahaa wajigiisi labaad oo lagu qabto gobolka Minnesota oo ah halka ay ku dhaqan yihiin Soomaalidu u faraha badan  ee nool Mareykanka, ayaa labada goorba waxaa marti looga dhigay in ay ka hadlaan Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, oo labaduba ka qeybgalay isbeddalkii Soomaaliya ka dhacay sanaddii la soo dhaafay, islamarkaana haatan xubno ka ah baarlamaanka cusub ee ay Soomaaliya leedahay. Iyadoona labadda aqoonyahanba ay sharaxaan ka bixinayeen isbeddalka cusub ee ay Soomaaliya gashay, gaar ahaan siddii wadanka looga dhalin lahaa midnimo, cadaal iyo soo nooleynta qarankii burburay warti-dheer ka hor.





Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u Qaabilsan Soomaaliya



Isniin, Jannaayo 28, 2013 — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Adrea Mazzela isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dalka.
Kulan qaatay muddo saacad ah kaddib ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay ra’iisul wasaare saacid iyo danjire Mazzela oo ka hadlay wixii ay kaga hadleen kulankooda.
“Sida aynu ka warqabno xiriir taariikhi ah ayaa ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, waxaana aad uga mahadcelinaynaa taageerada hagar la’aanta ah ee dowladda Talyaanigu ay la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana soo dhaweynayaa xariirka u billaaban doona labada dowladood, isagoona ka duwanaan doona xiriirkii ka dhexayn jiray labada dal,” ayuu yiri Saacid oo intaas ku daray:
“Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay soo dhaweynayaan xiriirka hada billowday inuu noqdo mid miro dhalkiisu soo deg-dego. Si loo xoojiyo wadashaqeynta labada dalna waxaan ka codsanaynaa Talyaaniga inay soo dedejiyaan furitaanka safaaraddooda Soomaaliya.”
Sidoo kale, danjirah Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa sheegay dhankiisa in xiriir dhow ee dhex-mara labada dowladood uu yahay mid lagama maarmaan ah.
“Waxaan mahad-ballaaran u soo jeedinayaa sida wanaagsan ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ii soo dhaweeyay, waxaana balan-qaadayaa in dowladda Talyaanigu ka taageeri doonto dhinacyada, horumarinta gaashaandhigga, cadaaladda, waxbarashadda, caafimaadka iyo dib-u-dhiska dalka,” ayuu dhankiisa yiri danjire Mazzela.
Danjiraha Talyaaniga ayaa intaas ku daray inay xiriir siyaasadeed oo toos ah la yeelan doonaan dowladda Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in Talyaaniga ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas, sidoo kale safiirka ayaa ku aamanay xukuumadda Soomaaliya sida ay u muujisay wax-qabad la taaban karo boqolka maalmood ee lagu dhex-jiro.
Ugu danbayn, ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in deeqaha Talyaanigu siiyo Soomaaliya loo maamuli doono si hufan oo miisaman,dowladuna ay si adag uga horjeeddo wax is daba-marinta, ayna billowday sidii gacan adag loogu qaban lahaaa musuq-maasuqa, waxaana dowladdu rajaynayaasaa in arrinkaas laga dareemo dhammaan dalka oo dhan.

Xukuumadda Soomaaliya oo shaaca ka qadday inay dabagal ku heeyso dadka ka dambeeya dilalka Suxufiyiinta



Isniin, Jannaayo 28, 2013 — Saraakiisha ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan baaritaanno xooggan oo lagu ogaanayo dadka ka danbeeya dilalka magaalada Muqdisho loogu geeysto wariyeyaasha.
Taliyaha laanta danbi baarista dowladda Soomaaliya Gen. C/laahi Xasan Bariise oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno xooggan oo ay ku doonayaan in ay kusoo qabtaan dadka ka danbeeya dilaka gudaha magaalada Muqdisho loogu geeysto suxufiyiinta.
Masuulkani ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay in hay’adiisa ay baaritaanno kusoo sameeyso cidda ka danbeeysa dilkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho loogu geeystay wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan iyo kuwii ka horeeyayba, wuxuuna xusay in baaritaanku u marayo meel fiican.
“Waxaa loo xil-saaray hogaanka baarista danbiyada in wariyihii hadda ugu danbeeyay iyo wariyeyaasha dilkooda si deg deg ah kiiskooda wax looga qabto, waana ku raad joognaa,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.
Sidoo kale taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Gen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa isna sheegay in ay gacanta kusoo dhigi doonaan kooxaha ka danbeeya dilalka wariyeyaasha, wuxuuna xusay in arintaasi ay ka ballan qaadeen dowladda.
Taliyaha ayaa sheegay in howsha baaritaanka ay imika socoto uuna ku rajo weynyahay in ay ku guuleeysan doonaan, wuxuuna ka codsaday suxufiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka siiyaan ciidamada booliska iyo danbi baarista sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkaasi caadeeystay dilalka wariyeyaasha.
Hadalkan kasoo yeeray saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli 18-kii bishan gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan, kaasoo ay toogteen kooxo ku hubeysan baastoolado, waxaana dilka wariyahani uu yahay kii ugu horeeyay ee sanadkan, iyadoona sanadii tagtay gudaha dalka Soomaaliya lagu dilay ku dhowaad 18-wariye kuwaasoo qaar badan oo kamid ah aan la garanayn cidda ka danbeeyso dilkooda.

Dowladda Britain oo uga digtay Muwaadiniinteeda inay Somaliland sii Joogaan iyo Somaliland oo ka hadashay Digniintaas


Isniin, Jannaayo 28, 2013  — Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda ku sugan Somaliland inay si dhaqso ah uga baxaan halkaas, kaddib markii ay soo baxeen sida warbixinta lagu xusay khataro cusub oo kusoo food leh dadka reer galbeedka ah ee Somaliland ku sugan. Iyadoo naamulka Somaliland uu arrintaas ka hadlay.
Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqa-sooranka wuxuu ku taliyay inaan wax socdaal ah lagu tegin Soomaaliya oo dhan oo ay ku jirto Somaliland; waxaana lagula talinayaa dhammaan dadka muwaadiniinta Britishka ah inay ka baxaan.
Khatarta ku wajahan Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay: afduub dhaqaale doon ah ama siyaasad la xiriira iyo sidoo kale afduubyo la xiriira dambiyo ay ka mid yihiin argagaxisonimo, taasoo ka jirta baa lagu yiri qoraalka Somalia oo dhan.
Balse maamulka Somaliland ayaa sheegay inaysan khatari ka jirin Somaliland ayna xaqiijinayaan ammaanka dadka ajnabiga ah ee ku sugan iyo kuwa Somaliland, kaddib shir deg-deg ah oo ay yeesheen golaha wasiirrada Somaliland.
 “Shacabka Somaliland, dadka Britain ee ku nool Somaliland iyo calaamka waxaan ogeysiinaynaa in ammaanka Somaliland uu yahay mid aanay cabsi ka jirin oo aanu gacanta ku hayno, isla markaana la sugayo amaanka guud ee dadka ku sugan Somaliland,” ayuu yiri wasiirka arirmaha dibadda ee Somaliland oo saxaafadda kula hadlay xalay Hargeysa.
Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay inay baaritanano ku sameyn doonaan dareenka kasoo baxay dowladda Britain ee ku saabsan khataraha kusoo wajahan Somaliland.
Hadalka digniinta ah ee kasoo baxay dowladda Britain ayaa wuxuu kusoo beegmayaa, iyadoo toddobaad ka hor ay dowladda Mareykanka si rasmi ah u aqoonsatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Taageero ku dalbaday Khudbad uu ka jeediyay Shir-madaxeedka Ururka Midowga Afrika


Isniin, Jannaayo 28, 2013 — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka Midowga Afrika ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa ka dalbaday dalalka Afrika inay gacan siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay beesha caalamka doorkeedana uu yahay mid aan la yareysan karin.
Madaxweyaha ayaa khudbadiisa ku sheegy in si lab furnaan ah uu ugu mahad-celinayo dalalka Afrika. Isagoo xusay in Soomaaliya ay gacan uga baahan tahay walaalaheeda Afrika.
“Waxaan idiin xaqiijinayaa Soomaaliya oo maanta miiska idiin saran inay tahay dal idin-la siman oo aysan ahayn dal la isku tuur-tuuro. Waxaan ka mid ahayn aasaasayaashii ururkan weyn, Soomaaliya waa dhab ee riyo ma ahan oo maanta waa waddan booskiisii kusoo laabtay oo kursigiisa ku fadhiya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha oo ka hadlay caqabadaha horyaalla dowladdiisa ayaa sheegay in Soomaaliya ay la mid tahay ilmo yar oo u baahan in gacanta la qabto si uu socodka u barto.
Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in gacan la siiyo si ay uga gudubto howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin in dhallinyarada shaqooyin loo abuuro.
“Waxaanu nahay sidii ilmo yar oo u baahan in gacanta la qabto, waxaanu nahay dal sabool ah oo walaalihiis uga baahan kaalmo,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbadiisa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga siiyo gacan dib u dhiska dalka iyo sugidda ammaanka.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dariska ah, isagoo yiri: “Waxaan soo jeedin lahaa in la dhiso guddiyo saddex geesood ah oo ka kooban dalalka qoxootiga haya, UNCHR iyo dowladda Soomaaliya guddigaas oo ka shaqeyn doona sidii xal waara loogu heli lahaa in qoxootiga ay dalkooda dib ugu laabtaan.”
Dhawaan ayaa waxay dowladda Kenya soo saartay amar ah inay qoxootiga ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalkeeda ay ku laabtaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab, halkaasoo ammaan ahaan aan wanaagsanayn, balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday dalalka ay joogaan Qoxootiga Soomaalida inay dulqaad muujiyaan.
Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in xaaladda ammaanka ay tahay caqabada ugu weyn ee soo food-saartay dowladdiisa, isagoo dalalka Afrika iyo beesha caalamka ka dalbaday in la taageero ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desaleng ayaa la wareegay guddoomiyaha sanadlaha ah ee Midowga Afrika, isagoo xilkaas kala wareegay madaxweynaha Peru oo sannadkii lasoo dhaafay guddoomiye u ahaa ururka.

Sunday, January 27, 2013

Shir Madaxeedkii Ururka Midowga Afrika oo si rasmi ah uga furmay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya


Axad, Jannaayo 27, 2013  — Shir madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa maanta oo Axad ah ka furmay xarunta ururku uu ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo shirkaas uu Soomaaliya uga qayb-galayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxda Afrika ayaa diiradda ku saari doona shirkooda sannadkan dagaallada ka socda dalka Maali iyo ka bixitaanka Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG ahaa iyo aqoonsiga uu Mareykanku siiyay iyo weliba wax-qabadka dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu ku sharraxayo xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya, howlgalka ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan gudaha dalka, wixii dowladda u qabsoomay iyo sidoo kale waxyaabaha ay dowladda Soomaaliya uga baahan tahay dalalka Afrika.
Shirka ayaa waxaa guddoominaysay haweeneyda ugu horreeysay oo loo doorto guddoomiyaha ururka Midowga Afrika tan iyo markii la saasaasay muddo hadda laga joogo 50-sano oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika, iyadoo sheegtay in shirka ay sannadkan uga doodayaan ajandayaal badan.
Xarunta ururka Midowga Afrika ayaa waxaa ku sugan madaxda in ka badan 40-waddan oo Afrikaan ah,  iyadoo ay ka maqan yihiin madax caan ahaa oo shirka hormuud u noqon jiray sida ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo geeriyooday.

Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay inay dayactir ku sameyn doonaan guud ahaan Waddooyinka Muqdisho


Axad, Jannaayo 27, 2013 — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dayacatir ku sameyn doonaan guud ahaan wadooyinka magaalada Muqdisho oo aan wax dayactir ah helin tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo laga joogo 22-sano.
Afhayeenka maamulka gobolka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in tani ay fududeyn doonto in culeyska uu ka dego jidka Maka Al-mukarma oo ah jidka ugu mashquulka badan Muqdisho, iyadoo ay ku kordhayaan shilalka gaadiidka.
“Maamulka gobolka Banaadir waxaa u qorsheysan in dayacti lagu sameeyo guud ahaan waddooyinka Muqdisho sida waddada Wandaha iyo soddonka si loo yareeyo iriiriga ka jira wadada Maka Al-Mukarama,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku darya in dayactirka waddooyinka ay qayb ka yihiin dayactirka magaalada lagu sameynayo iyo soo celinta bilicda magaalada Muqdisho.
Taliska taraafikada Muqdisho ayaa iyaguna sheegay in shilalka ka dhacaya jiddka Muqdisho ay soo kordhayaan, taasoo ay ku macneeyeen inay sabab u tahay gaadiid fara badan oo magaalada la keenay iyo nabadda ka jira caasimadda Soomaaliya.
Waxaa muuqanaysa in gaadiidka ay kusoo badanayaan magaalada Muqdisho iyadoo la arkayo haween iyo rag gadiid kuwa raaxada ah ku wata guud ahaan jidadka Muqdisho, iyadoo tani ay muujinayso in tartan ku saabsan wadista gaadiidka oo u dhexeeya ragga iyo dumarka.
Jidadka Muqdisho ayaa burbursan iyadoo dhismayaasha hareeraha jidadka ku yaalla ay yihiin kuwo qurxoon oo la dayactiray, waxaana tani ay caddeyn u tahay in bulshada aysan u arag laamiyada inay yihiin kuwo ay iyagu leeyihiin.

Ciidamada Badda Puntland oo Howgallo ay sameeyeen Gobolka Mudug kusoo qabqabtay Kooxo Burcadbadeed ah


Axad, Jannaayo 27, 2013 — Ciidamada Puntland ayaa howgallo ay ka sameeyeen deegaanno ka tiran gobolka Mudug waxay kusoo qabqabteen 10 ruux oo burcadbadeed ah, iyagoo sheegay in howgalkan uu ahaa mid ay kula dagaalamayeen burcadbadeedda.
Howgalkan oo ahaa mid saf-ballaaran ah ayay ciidamadan ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Jarriiban, iyagoo saraakiisha howgalkan hoggaaminayay ay sheegeen in kooxahan ay dhibaatooyin ku hayeen dadka ku nool deegaanka.
“Howgalkan wuxuu ahaa mid lagula dagaalamayay kooxaha burcad-badeedda ah oo dhibaatooyin ku haya dadka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Mudug,” ayuu yiri sarkaal u hadlay maamulka gobolka Mudug ee Puntland.
Burcadbadeeddan ayaa lagu xiran xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo lagu wado in maxkamad la horgeeyo, balse saraakiisha gobolka Mudug waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan xilliga kooxahan la horgeyn doono maxkamadda.
Dhanka kale, saraakiisha gobolka Mudug ee Puntland waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howgallada ay kula dagaalamayaan burcadbadeedda si ay u qafiifiyaan dhibaatooyinka ay burcaddu ku hayaan dadka iyo deegaanka.
Puntland oo ka mid ahayd goobaha ay saldhigyada waaweyn ku lahaayeen kooxaha burcadbadeedda ah ayaa waxay sanadkii hore billowday dowladda halkaas ka talisa dagaal ay la galeen kooxaha burcadbadeedda ah, iyadoo soo qabqabtay tiro burcadbadeed ah.

Isbitaal casri ah oo ay Maal-geliyeen Shacabka Talyaanigu oo laga Hir-geliyay Magaalada Hargeysa ee Somaliland [SAWIRRO]



Axad, Jannaayo 27, 2013 — Isbitaal cusub oo lagu daweyn dooona caruurta iyo hooyooyinka, ayaa laga furay magaaladda Hargeysa, kaas oo ay maalgalinayaaan shacabka Talyaanigu.
Isbitaalkan ayaa waxa loogu magacdaray Dr:Maxamed Aadan Sheekh oo ah dhakhtar ka shaqayn jiray dalka Talyaaniga balse hamigiisu ahaa in uu dhakhtar weyn ka dhisay deegaanadda Soomaalidda, haseyeeshee aanay u suurtogalin oo isagoo hindisiisi bilaabin uu geeriyooday,waxaana fikikriisii halkii ka sii waday xaaskiisa oo ay taageerayaan dhakhaatiir Talyaani ah iyo shacabka Talyaaniga oo uu la shaqayn jiray, waxaana fursad u helay in cisbitaalkaasi laga hirgaliyo magaaladda Hargeysa.
Munaasibad lagu furayey cisbitaalkaasi waxa ka soo qaybgalay  Gudoomiyaha Golah wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Marwada koowaad Somaliland marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris), Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo ku xigeenkiisa iyo Wasiirka wasaaradda qorshaynta Dr Sacad Cali Shire iyo  marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa sheegay in Marxuum  Maxamed Aadan Sheekh ALLE ha u naxariistee ay maanta u suurtogashay inuu fikirkiisii uu doonayey inuu cisbitaal weyn ka dhiso Somaliland ay hirgashay, iyagoo ay taageerayaan macalimiinta Jaamacadda Turino ee Dalka talyaaniga.
Guddoomiyaha Golaha wakilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr; Xuseen Muxumud Maxamud (Xuseen Xoog), Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, ayaa iyaguna si weyn usoo dhoweeyey furitaanka cisbitaalkan oo loo dhisay qaab casri ah, waxaanay si weyn ugu mahad celiyeen cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha cisbitaalka.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Dhakhaatiir talyaani oo ballanqaaday in shacabka iyo dawladda Talyaaniguba sii wadi doonaan taageradda lama huraanka ah ee uu cisbitaalku u baahan yahay, iyagoo lagu dari doono qaybo kale oo casri ah.
Dhulkan laga dhisay cisbitaalkaasi waxa hore ugu deeqay xukuumaddii Daahir Rayaale, waxaanu Cisbitaalku dhinaca bari kaga beegan yahay cisbitaalka dhexe ee magaaladda Hargeysa, kaas oo si balaadhan loo qalabeeyey, isla markaana loo dhisay qaab casri ah, taas oo faa’iido badan u leh hooyooyinka iyo dhalaanka Somaliland.

Howlgallo ay ciidamada Dowladda Somalia ka sameeyeen oo lagu qabqabtay ciidammo dhac u geysta Shacabka


Axad, Jannaayo 27, 2013  — Howgallo ay ciidamada dowalddu ka sameeyeen maanta degamada Hodan, gaar ahaan xaafadda Taleex illaa tarabuunka ayay kusoo qabqabteen 13-ruux oo sagaal ka mid ah ay ahaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo afar qof oo shacab ah.
Kooxahan la qabqatay ayaa la sheegay in toddoba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada xoogga dalka, laba ka mid ah booliis iyo afar qof oo saraakiisha booliisku ay sheegeen inay dhici jireen dadka shacabka ah.
“Waxaa suurogashay in 13 ruux oo burcad ah lagu soo qabqabto howlgallo ay sameeyeen ciidamada dowladda, kuwaasoo caadeystay inay maalin iyo habeen dadka dhacaan,” ayuu yiri taliyaha booliiska Soomaaliya, Shariif Sheekhunaa Maye oo warbaahinta kula hadlay goob lagu soo bandhigay kooxdan burcadda ah.
Taliyaha ayaa sheegay in muddo dheer lagu soo wargelinayay inay dadkan dhac ka geysanayeen inta dhexeysa xaafadda Taleex iyo Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan, iyadoo sheegay inay sii socon doonaan howgallada ay kusoo qabanayaan kooxaha dhibaatooyinka geysanaya.
Dhanka kale, hay’adda nabadsugidda ayaa iyaduna soo bandhigtay 10-ruux oo la sheegay in looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, kuwaasoo laga soo dhex-saaray 500-qof oo lagu qabtay howlgallo shalay laga sameeyay degmooyin ka tirsan Muqdisho.
Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay waxay howgallo kawadeen degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo ay kusoo qabqabteen xubno ay uga shakiyeen inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin.

Shirkii Magaalada Laascaanood oo laga soo saaray bayaan ah in aan la dhibaateyn biri-ma-geydada (BAYAAN)



Axad, January 27, 2013: Baaq iyo digniino 7 qodob ka kooban ayuu ka soo baxay  shir  beel ka mid ah beelaha dega degmooyinka Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Ceerigaabo ayaa maanta ku soo gabagabaysmey magaaladda Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Qodobadii shirkaas ka soo baxay ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay C/llaahi Cabdi Faarax "Muuye" ayaa waxaa ka mid ahaa:

In laga digtoonaado wax kasta oo dhibaato ku keeni kara amniga beesha iyo beelaha ay deriska yihiin.

Waxay beeshu si buuxda u canbaaraysay falkii 6/1/2013 dabley ka tirsan Ciidanka Booliska iyo ka milateriga Somaliland ugu geysteen magaaladda Laascaanood dad birimageydo ah, iyagoo maamulka ku dhaliilay inaanay wax la taaban karo ka qaban isla markaana sheegay in gaadiidkii falkaasi lagu fuliyey la siidaayey maxkamad la`aan.

Guddigani waxay mar labaad canbaareeyeen dagaalladda ka dhacaya degmada Xudun oo ay sheegeen inay ciidamada Somaliland laayeen, qaarna qaateen dad maato ah oon dagaal ku jirin iyo hanti shacab leeyahay iyagoo ugu baaqay inay ciidamadooda kala baxaan degaankaas.

Waxa kaloo ay go`aamiyeen in la xaliyo shaqaaqooyin beesha dhexdeeda ka dhacay meelo kala duwan oo ay ka xuseen kuwo ka dhacay Taleex, Sarmaanyo, Xuddun, Ceerigaabo iyo sarmaanyo, iyagoo xusay iyana in la dhameeyo colaado soo jiitamey oo u dhexeeyey beesha iyo beesha Warsangeli.


Qodobka Todobaad ayay gudibeeleedkan oo ka koobnaa 21xubnood oo qadarin ku leh bulshada degaankaasi  go`aamiyeen in shir beeshu isugu timaado kan ka balaadhan wakhtiga iyo meeshana loo daayo Madax-dhaqameedka oo uu ugu mudan yahay say bayaanka ku xuseen Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Gudigii shirkaasi hagaysey oo ka mid ahaa C/kariin Cali nuur oo si aad ah wax laga xumaado ku timaamay dhacdadii todobaadkii aan soo dhaafnay ka dhacday degmadda Xuddun.

Si kataba ha ahaatee shirkan ayaa ah mid maamulka Somaliland ku keenaya culay baaxad leh iyadoo ay beeshani tahay besha ugu degaanka balaadhan ee ay maamulka Somaliland ciidamadoodu ku sii wajhnaayeen wadahadalo dooran ay kaga doonayeen  taageero ay kaga soo jiitaan maamulka Khaatumo inkasta oo ay ku xidhantahay taageeradda uu shirkani beeshaasi ka helo.

 

Booliiska Koonfurta Suudaan oo Booliiska Somalia u soo gacan-geliyay Gacan ku dhiigle dil ka Geystay Muqdisho


Axad, Jannaayo 27, 2013 — Booliiska dalka Sudan ayaa u soo gacan-geliyay booliiska Soomaaliya gacan ku dhiigle horay dil uga geystay Muqdisho, kaasoo laga soo qabtay magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta Sudan.
Taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa sheegay in ninkan iyo nin kale oo ay booliisku soo bandhigeen iyo laba nin oo kale oo maqan ay ku dileen Muqdisho gaar ahaan degmada Wardhiigley marxuum lagu magacaabi jiray, Siciid Dhiblaawe Siyaad ayna dhaawac u geysteen walaalkiis oo lagu magacaabi jiray, Xasan Dhiblaawe Siciid.
“Gacan ku dhiiglahan lagu magacaabo Cabdiraxmaan Ciise Axmed, wuxuu 29/08/2012 ka geystay Muqdisho dil isagoo ay wehlinayeen saddex qof oo mid ka mid ah la hayo labana ay maqan yihiin, wuxuuna u baxsaday dalka Koonfurta Suudaan, halkaasoo laga soo qabtay,” ayuu yiri Jen. Sheekhunaa.
Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in mid ka mid ah ragga ka maqan gacanta dowladda lagu magacaabo, Bootaan Cali Cigalle ayna wadaan qorshihii ay ku soo qaban lahaayeen labada qof ee maqan.
“Annaga waxaan xiriir la leennahay booliiska adduunka (Interpol), cid naga baxsan karta hadda kaddib ma jirto, qofkii dambi gala ee baxsada waan soo helaynaa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya.
Waa markii ugu horreysay oo ruux gacan ku dhiigle ah oo dil ka geystay Muqdisho lagu soo celiyo dalka, tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Saturday, January 26, 2013

Xukuumadda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay saddex Sarkaal oo ku eedeysan inay musuq-maasuqeen Deeqo waxbarasho



Sabti, Jannaayo 26, 2013  —Wasiiradda wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasim ayaa sheetay in xukuumadda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay saddex sarkaal lala xiriiriyay arrimo ku saabsan musuqmaasuq lagu sameeyay deeqo waxbarasho oo Soomaaliya ay ka heshay dalka Turkiga.
Wasiiradda ayaa sheegtay in saraakiishan la xiray uu ku jiro agaasimihii guud ee wasaaraddii waxbarashada Soomaaliya, kaasoo la sheegay inuu lacago ka qaatay dadka uu deeqda waxbarsho siiyay.
“Waan la soconnaa xariga xogyihiin guud ee wasaaradda iyo laba ruux oo kale kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay is-daba-marin ku sameeyeen deeqo waxbarasho oo la helay,” ayay tiri wasiiradda.
Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay inuu socdo baaris arrintan ku saabsan.
Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2011 waxay deeqo waxbarsaho siiyeen arday Soomaaliyeed oo ka baxay dugsiyada sare ee dalka, iyadoo ay jireen tan iyo xilligaas in la musuqmaasuqo deeqaha waxbarasho ee uu Turkigu ugu deeqo ardayda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday markii la doortay bishii September ee sannadkii hore inuu la dagaalamo doono musuqmaasuqa muuqda iyo midka qarsoon, ayna abuuri doonaan hab cadaaladeed shaqeynaya, kaasoo si simman ugu shaqeynaya shacabka Soomaaliyeed.
Garsoorayaal Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay inay sii daayeen gacan-ku-diigley lagu magacaabi jiray Axmed Salaad Xasan oo Muqdisho ku dilay bishii Decmber ee sannadkii 2011 shaqale ajnabi ah oo u shaqeynayay hay’adda MSF, waxaana laga sii-daayay xabsiga dhexe.

Sanad kadib ciidamada AMISOM oo saldhigyo kala wareegayaa ciidamada Itoobiya ee Baydhabo


Sabti, 26-01-2013  -- Ciidamada midowgga Africa AMISOM ee gobollka Bay gaar ahaan magaalada Baydhabo ku sugan ayaa hadda mudo sanad ah kadib u diyaar garoobaya sidii ay saldhigyada ugala wareegi lahaayeen ciidamada Itoobiya.

Inta badan hadda saldhigayada ciidamada magaalada Baydhabo waxaa ku sugan oo ka howlgala ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo meelo kooban oo kaliya ay ka joogaan magaalada ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baydhabo oo isugu jira Uganda iyo Burundi ayaa gaaraya ilaa 800 oo askari, kuwaasoo loo qorsheeyay in ay la wareegeen nabad-galyada magaalada Baydhabo.

Marka la eego howlgalka AMISOM ee gobollada Bay iyo Bakool waxaa la leeyahay waxaa loo qorsheeyay ciidamo gaaraya ilaa 2, 500 oo askari kuwaasoo ka kala socda dalka Uganda iyo Burundi.

Dhowaan ayay aheyd markii garoonka diyaaradaha Baydhabo ay la wareegeen ciidamada AMISOM, waxaana garoonka ka socda howlo dib loogu dhisayo, maalin walbana waxaa ka soo dega diyaarado sahay u sida ciidamada.

Madaxweynaha Somalia oo u ambabaxay Itoobiya, halkaas oo uu kaga Qayb-galayo shirka Ururka Midowga Afrika


Sabti, Jannaayo 26, 2013 — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ka dhoofay Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Itoobiya, halkaasoo ay uga qaybgalayaan shir-sannadeedka Midowga Afrika.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxay ka mid ahaa xubno ka tirsan madaxtooyada, waxaana sii dhaweeyay xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka, ra'iisul wasaaraha, wasiirro iyo xildhibaanno, iyadoo inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa kulammo la yeelan doona madaxda Afrikaanka ah ee shirkaas kasoo qaybgalay kuwaasoo uu kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.
Mudane Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in dowladdiis ay xoogga saari doonto sidii dalka ay nabad ugu soo rogi lahayd ayna ula dagaalami lahayd dambiyada uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo inta lagu eedeeyo dowladaha Soomaaliya.
Safarnkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dalka Itoobiya oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya, iyadoo kulanka sannadkan ee ururka Midowga Afrika lagu wado in looga hadlayo dalalka ay xasaradaha ka taagan yihiin sida dalka Maali oo dagaallo ay ka socdaan iyo kacdoonnada Masar.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay u sii dhoofi doonaan dalka Belgium halkaasoo uu kaga qaybgeli doono shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo dalalka Yurub ay ku yeelan doonaan magaaladaas, iyadoo uu dalkan noqonayo dalkii labaad ee ku yaalla Yurub oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tago safar shaqo.
Dhawaan ayaa madaxweynuhu wuxuu kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Mareykanka, iyadoo dowladda Mareykanka ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto sidii ay u xoojin lahayd xiriirka caalamka ayna dib ugu soo celin lahayd ammaanka guud ee dalka kaddib 22 sano oo ay colaado jireen.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay Qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho


Sabti, Jannaayo 26, 2013 — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka waabarigii howlgallo ballaaran ka bilaabay qaar katirsan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoona ay ciidamadu howlgalladaasi kusoo qabqabteen dad badan oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.
Ciidamada dowladda oo isugu jira Nabadsugid, Boolis iyo Militari ayaa saaka waabarigii ku jarmaaday xaafado katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir,waxayna ciidamadu howlgalladaasi ku qabqabteen dad u badan dhalinyaro.
Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Jen: Axmed Xasan Maalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saaka aroortii ay howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo ka bilaabeen xaafado katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Masuulkani ayaa sheegay in xaafadaha ay howlgallada kasocdaan ay kamid tahay xaafadda Jamhuuriya oo uu xusay in maalmihii u danbeeyay laga soo sheegayay falal amni darro oo ay geystaan kooxo hubeysan oo xilliyada habeenkii ah dadka isbaareysta, wuxuuna xusay in howlgallada ay ku qabqabteen dad badan oo looga shakisanyahay falalkaasi amni darro.
Ciidmaada nabdsugidda, Booliska iyo Militariga oo iskaashanaya ayaa maalmihii u danbeeyay howlgallo ballaaran ka waday degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, waxaana howlgalladani ay qeyb ka yihiin dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xaqiijinta ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore shaaca uga qaaday in mudnaanta koobaad ay siin doonto dhinaca nabadgelyada, waxaana tan iyo wixii waqtigaasi ka danbeeyay ammaanka Muqdisho uu noqday mid aad uga wanaagsan sidii hore, iyadoona ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda ay gudaha magaalada ka bilaabeen howlgallo maalin iyo habeen ah.

Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay inay wax ka Qabanayso hoos u dhaca ku yimid Sarifka shillin Soomaaliga


Sabti, Jannaayo 26, 2013  —Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wax ka qabanayso hoos u dhaca ku yimid shillinka Soomaalga iyo sirir bararka raashinka, iyadoo wasiirka maaliyadda uu sheegay inay qaadi doonnaan tallaabo ay wax uga qabanayaan arrinaas.
Maxamuud Xasan Suleymaan oo la hadlayay idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan isbedelka ku imaanaya sarifka lacagaha oo aan sal lahayn tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
“Waxaan la soconnaa in safirka doollarka uu hoos u dhacay, maciishaduna ay weli kacsan tahay, waxaana sababay arrintaan lacagta doollarka oo si aad u soo gashay suuqyada iyo lacag shillin Soomaali ah oo dhawaan ku gubatay Boosaaso,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.
Hoos u dhaca ku yimid sarifka lacagta doollarka ah ayaa wuxuu saameyn  xooggan ku yeeshay dadka danta yar iyo kuwa lacagaha ka hela dibadda, iyadoo aanay jirin wax hoos u dhac ah oo ku yimid qiimaha lagu iibsado raashinka.
“Xukuumaddu waxay dadaal u galaysaa sidii ay isbedelka lacagta wax uga qaban lahayd, innagoo la kaashanayna arrintaas hay’adaha maaliyadda ee dowladda,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray inay lacag keenayaan si ay wax uga qabtaan fadhi la’aanta sarifka lacagta adage e doollarka, isagoo qiray inay ka tabaabusheysanayaan in sidaan oo kale aysan dhicin.
Sarifka doollar ayaa waxaa maalmo ka hor lagu sarrifayay halkii doollar doollar - 22,000 oo shillin Soomaali ah, halka uu maanta ka yahay 19000 oo shillin Soomaali ah, iyadoo suuqyada safirka lacagaha ay maamulaan shirkado gaar ah loo leeyahay iyo ganacsato.

Munaasabad la isku-baray dhalinyaro ka qaybgali doona tartanka isdhexgalka Dhallinyarada iyo Nabadda oo Gaalkacyo lagu qabtay


Sabti, January 26, 2013: Waxaa mar kale ka dhacay garoonka kubbadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo munaasabad ballaaran oo ay isku arkayeen boqoolal dhalinyaro ah kuwaasi oo u kala ciyaara kooxaha da' yarta ah ee Koonfurta iyo Waqoyinga Gaalkacyo iyadoona dhawaan tartamo kala gadisan oo dhanka cayaaraha ah  ay u furmi doonan.

Dhalinyaradaan ayaa isku imaatinkoda waxay iswedarsadeen salaam, isbarasho iyo in la sii xoojiyo xiriirka, waxaana haddii ay sidan dhacdo ay tilmaameen inay ka dhalan karto horumarka iyo nabadda gobalka labaadisa dhinac,  iyagona intaasi ku daray horumarka gobalka inay ku xiran tahay iyagoo isku fikir ah.

Mid ka mid ah naadiyada ka so qeybgalay kulanka aya si weyn ugu farxay  imaanshaha garoonka kubada cagta Cawaale “waligey ma imaan Garoonka kubada cagta ee Cawaale  maantana waan ku suganahay waa ilaahey mahaddis in maantay aan farxad la qeybsanayo walaalahey reer Gaalkacyo anoo ka so jeeda dhinaca GalmudugMaantay iftiin ayaan dareemeynaa haddi aan nahay dhalinta isboortiga  gobolka Mudug, marka waa in aan hadalkooda beeninaa dadka mar walba dhahaya Gaalkacyo waa meel khatar ah, waxaana u sheegeyaa in dadka magaalada Gaalkacyo ay nabad iyo isdhexgal qaateen ”ayuu yiri Maxamed Yare. 

Munasabadda ayaa waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha  Ururka (Somali Sports and Relief Organization ) Cabdiqani Khalif Carrabey, wuxuuna munaasabadda ka jeediyay hadallo dhiri galin ah kuwasi oo ay kula dardarmayaan sidii aay dad mideeysan u noqon lahaayen dhalinyarada Gobolka Mudug  Waqooyiga iyo Koonfurta Galkacyo.


 Ururka Somali Sports and relief organization ) ayaa ah urur ka shaqeyn doono arimaha Isboortiga iyo bulshada  Gobolka Mudug  Gudoomiyha Ururka Mr. Cabdiqani ayaa bahda Isboortiga  iyo bahda arimaha bulshada jecel ugu baaqay in ay tageero siiyaan ururka sidii uu uga shaqeyn lahaa horumarka  Gobolka iyo sidii dhalinta looga wacyigelin lahaa waxyaabaha ay sida qaladka ah ugu dhacaan da' yarta, kuwaasi oo ay  ka mid tahay Burcad-badeeddnimo, qabyaalad,  anshaxumo  iyo falalka xun oo an ku wanagsaneyn.

Dhinaca kale Ururka (Somali Sports and Relief Organization ) ayaa sanadkii 2012  ugu qaybtay dhalinta tartamo ay ka qeybgaleen 8 naadi  oo ka dhisan Koonfurta iyo Waqooyiga, kuwaasi oo kooxihii ku guuleystay la siiyay abaalmarinno kala gedisan  oo kooxihi ku guulaystay la siiyay abaal-marinno kala gedisan. Hayeeshee tartamadan ayaa waxay isugu jiraan kuwo kubadda cagta ah, orodka iyo bootinta. Gudoomiyaha  Ururka Somali Sports And Relief Organization Cabdiqani Khalif Carabey  ayaa  dhalinta uga mahadceliyaysida wanagsan ee ay u soo xaadireen kulanka maanta ay isugu yimaadeen Garoonka Kubadda cagta ee Cawaale si loogu sheego diyaargarowga tartanka bisha Febraayo bilaaban doona.

Kualanka ay  maantay wada yeeshen dhalinyarada iyo maamulka tartanka ayaa si wanagsan ku soo
Dhammaaday, iyadoo lagu ballamay in Jimco walba garoonka la isugu yimaado, si uu u sii socdo diyaargarowga.

Ururka Tartanka Isboorti  qabanaya waxaad kala xiriiri kartaa emailka:  SOSRO2013@gmail.com




DANJIRE MAHIGA: “Beesha Calaamku waa inay dhaqaale ku bixiso Dhismaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya


Sabti, Jannaayo 26, 2013  — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danijre Augustine Mahiga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa beesha caalamka ka dalbaday in dhaqaale ay ku bixiyaan dhismaha ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay la wareegaan ammaanka guud ee dalka.
Danjire Mahiga ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan awood badan u lahayn inay ciidamada Midowga Afrika ay kala wareegaan awoodda dalkooda oo qaybo ka mid ah ay weli ka taliso Al-shabaab.
“Ciidamada Soomaaliya haddii aan la siin tababarro ku filan awood uma yeelan doonaan inay awoodda kala wareegaan ciidamada AMISOM oo hadda gacan ku siiinaya dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabadda kasoo horjeeda,” ayuu yiri danjire Mahiga.
Sidoo kale, Mahiga wuxuu yiri hadlakiisa: “Tababaridda ciidamada Soomaaliya waxay ku socdaan si gaabis ah, waxaan taas sabab u ah dhaqaale la’aan jirta.” Isagoo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in tababarro loo siiyo ciidamadeeda si ay ula wareegaan ammaanka guud ee dalka.
Hadalka danjiraha ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay safiirro ka socda dalal caalamka qaarkood ay kulan kula yeesheen garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada, kaasoo looga hadlay sidii loo sameyn lahaa hay’ad la socota halka ay ku baxaan deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya.
Dhanka kale, hadalka Mahiga ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda Soomalaiya ay codsatay in xayiraadda hubka ee saaran laga qaado, si tababarro loo siiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayna awood ugu yeeshaan inay dalka oo dhan qabsadaan.

Friday, January 25, 2013

Xulka Kubadda Kolayga Soomaaliya oo ku karay semi final-ka Tartanka FIBA Zone 5



Jimco, January 25, 2013: Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya oo tartanka FIBA Zone 5 ee dalka Tanzania ka socda ka qeybgelaya ayaa waxaa uu soo gaaray rubac-dhammaadka tartanka ama semi-finalka, hayeeshee ciyaartii caawa dhexmartay Somalia iyo Rwanda ayuu xulka Somalia ku haray.

Ciyaartii dhexmartay Xulalka Somalia iyo Rwanda ayaa waxay ku soo gebagebowday waqtigii loogu talagalay 83—85, waxaana ciyaarta finalka u soo gudbay Kooxaha Rwanda iyo Masar. Ciyaarta oo ahayd mid xamaasad leh ayay labada xul ahaayeen kuwo si aad ah isugu dhow oo aan farqi weyn u dhaxeynin illaa dhammaadkii ciyaarta.

Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya ayaa wuxuu horay uga soo badiyay Xulalka Kenya iyo Burundi oo uu  si xarago leh uga soo badiyay. Xulka Soomaaliya iyo Xulka Kenya ayaa waxay berri u tartami doonaan kaalinta seddexaad ee tartankan.

Sida uu inoo xaqiijiyay Xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaalida ee Tanzania Maxamed Shiikh C/llaahi Carab aad ayay u dadaaleen ciyaartoyda xulka Soomaaliya, hayeeshee nasiibka ayaa ka hiilliyay, inkastoo uu dhinaca garsoorka xoogaa dhaliilay.


Daawashada ciyaarta waxaa ka qyebgalay dadweyne aad u faro badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo Tanzania u tegay in ay taageeraan ciyaartoyda xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya, sidoo kalena waxaa daawashada ciyaarta ka qeybgalay diblumaasiyiiyiin Soomaali ah  oo ay ka mid yihiin Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika oo Tanzania u tegay in uu taageeradiis u muujiyo ciyaartoyda Soomaaliyeed, Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Tanzania Mohamed Dirie Elmi  iyo Xoghayaha labaadee safaaradda Soomaalida ee Tanzania Maxamed Shiikh C/llaahi Carab. Waxaa kale oo ciyaarta wax ka daawanayay Qunsul Sharafeedka Djibouti ee Tanzania Saciid Shaamow.

Sidoo kale waxaa joogay Xoghayaha guud ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax, Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadda Kolayga Maxamed Xaaji Cali, Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga, ahna madaxa Wafdiga Saciid Faarax Ducaale, Tababarayaasha  Ciyaartoyda Soomaaliya meteleysa C/qaadir Baarajab, Bashiir Fokis, Axmed Muuse iyo mas’uuliyiin kale oo Isboorti.

Ugu dambeyntii Ciyaartoyda Soomaaliya uga qeybgashay tartankan oo u badan kuwo ku koray dalka Soomaaliya dibaddiisa ayaa waxay muujiyeen karti iyo wadaniyad ay ku difaaceen qaranka Soomaaliyeed, iyagoo weliba u awood sheegtay dalal wadamadooda aysan dhibaato ka dhicin intii ay Soomaaliya dhibaatada ku jirtay.
 







Boggii Al-shabaab ay ku lahayd Shabakadda Twitter-ka oo la Xannibay Kaddib Markii lagu baahiyay Sawir Askari la dilay



Jimco, Jannaayo 25, 2013  —Shabakadda isku xirna bulshada ee Twitter ayaa xannibtay maanta oo Jimco ah boggii ay Al-shabaab ku lahayd shabakaddaas, kaddib markii ay ku baahiyeen sawirro muujinaya mid ka mid ah askarta kumaandooska Faransiiska oo la dilay iyo hanjabaad lagu sheegay in la dilayo Dennis Allex.
Boggan Twitter ee Al-shabaab oo ah @HSMPress oo ku baxayay luuqadda Ingiriiska ayaa waxaa markii aad booqato waxaa kusoo baxaysa fariin ah “Boggaan waa la hakiyay”, iyadoo aan la bixinayn faahfaahin dheeraad ah.
Laakiinse, bogagga kale ee Twitter-ka ee Al-shabaab ay leedahay oo ku baxa luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga ayaa weli shaqeynaya, iyagoo boggaa ku baxa Carabiga ku sheegay in xayiraaddan ay tahay mid faafreeb looga dan leeyahay.
“Tani waa caalamad muujinaysa xorriyadda hadalka ee reer galbeedka,” ayaa lagu yiri fariin ay Al-shabaab soo saartay.
Arbacadii lasoo dhaafay ayay Al-shabaab ku baahisay boggaan la xannibay cajalad fiidiyoow ah oo ay kasoo muuqdeen lahaystayaal Keyan ah, kuwaas oo ay sheegtay inay dili doonto muddo saddex toddobaad gudahood ah, haddii aysan Kenya xabsiyada dalkeeda kasii dayn maxaabiis ku eedeysan argagaxisonimo.
Shabakadda Twitter ayaa horay u sheegtay inay bogga ka xiri doonno ciddii u isticmaasha arrimo ka baxsan sharciyadooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin in cid kale loogu hanjabo. Waxayna shabkaddu sheegtay inay ugu talogaleen bogaggooda in loo adeegsado isku xirka bulshada.
Dhanka kale, dadka isticmaalaha ayaa waxaa loogu hanjabay in laga xiri doono bogagga ay Twitter ku leeyihiin haddii ay u adeegsadaan faallooyin aan sharci ahayn iyo waxyaabo kale oo dhibaatooyin abuuraya, inkastoo aan la sheegin waxyaabaha dhibaatooyinka abuuraya.
Bishii December 2011, ayay Al-shabaab boggan furatay, waxayna u adeegsan jirtay inay ku baahiso wararkeeda ku saabsan dagaalka ay kula jirto ciidamada AMISOM oo ay Kenya ka mid tahay, iyadoo boggaan ay ku xirnaayeen dad ka badan 20,000 oo qof.
Xoogagga Al-shabaab ayaa sannadkii laga qabsaday deeganano badan oo ay kaga sugnaayeen Koonfurta Soomaaliya, kaddib markii ay dagaallo xooggan la galeen ciidamada AMISOM ee tiradoodu tahay 17,000 ee askair iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidammo ka socda dalka Itoobiya.

Somalia takes steps to combat forgery business



Officials from Somalia's Transitional Federal Government show a copy of the country's biometric passport in November 2006. The state-of-the-art passport replaced the older document that was easier to forge. 


By Hassan Muse Hussein in Garowe
Friday, January 25, 2013
Hassan Mohamed Jama, 53, has made a living as a counterfeiter in Bosaso and Garowe for the past 20 years.
He makes the old green passports used under the previous regime, red diplomatic passports, university diplomas, birth certificates and property deeds. Jama, who still works in the trade, said that without the forged documents life would have been difficult for many Somalis.
"When we were starting this work, the country did not have a place for people to obtain documents and Somalis were traveling every day because they were receiving scholarships," Jama told Sabahi. "We were serving as the local government and the Ministry of Education, we filled all those gaps."
"We make the old green passports for up to $100. We charge $300 to make university certificates such as one for the Somali National University, even though it is hard to procure the original stationery. Certificates for universities that were created after the collapse of the country cost $60," he said.
Even though the old passports and school diplomas are no longer officially recognised as valid by the federal government and regional administrations, people still depend on counterfeit documents. Jama said he sees about 20 people every day who want forged certificates and the old green passport, which can be used to travel to some countries that do not enforce the ban.
"People are used to our services that enable them to obtain a passport, a university certificate or a high school certificate within 20 minutes," he said. "That is what they find indispensable and we are dependent on it to provide for our children."
He said Somali forgers have all the stamps used by previous government agencies, and utilise many of the signatures of former government officials which has created confusion in foreign countries.
"We were forced to learn how to forge those signatures to produce documents that look legitimate because many countries around the world kept the signatures of government officials on file [to verify]," Jama said.
Steps to prevent forgery
Although the forgery system has flourished in Somalia for over two decades, there are some indications that the government is taking steps to combat the problem.
For one, Somalia's Transitional Federal Government created a new biometric passport in 2006 and changed the colour to blue. The government set up a passport printing facility in Mogadishu in 2010, moving it from the United Arab Emirates, to expedite passport delivery services.
In 2011, the government officially outlawed the use of the old green passports for international travel or business activities, however some countries do not enforce it.
"The forgery perpetrators were obstacles to the country's [progress] by creating a bad reputation for the country's passport," said Ali Abdi, an official at the federal passport bureau in Galkayo. "They were found making passports for foreigners in the markets."
"The federal government has now asked other countries worldwide to reject the former Somali passport and to accept the new one," he told Sabahi. "This change is visible because every day we register about 100 people seeking the new passport."
In 2010, the Puntland regional Ministry of Education also instituted a programme to prevent forgery of its university diplomas, the ministry's director of training Ali Farah told Sabahi.
He said the ministry has contracted a company in Malaysia to create diplomas printed on special paper with security marks in the middle that cannot be forged. The diplomas were forwarded to all the local universities and countries in the region where Somali students seek scholarships to further their education, he said.
"We decided to do that after we saw our diplomas being fabricated domestically and were even forged in Sudan," Farah said. "We decided to combat the problem and we even refused to announce the company that made [the new diplomas] to prevent contact with them that might lead to further forgery."
"In 2012 we found out that forgery incidents in the country have gone down according to local universities that worked with us to combat the problem," he said.
Demand for forgery must be eliminated
"During the chaotic period, [the forgers] provided services the government used to provide for people. People would have been lost if the services were not available," said Abdi Abdullahi Sheikh, a 24-year-old Garowe resident who attends Gambol High School.
"For example, passports were easily obtainable without many problems or travel delays," he told Sabahi. "They facilitated the number of Somalis that have travelled around the world for trade and education in the past 20 years."
It is difficult for the government to fully combat the forgery business that has been going on for over 20 years, said Garowe-based political analyst Saleban Jama. The government can change the culture and make Somalis understand that is it time to move beyond forgery, he said, but it has to provide an alternative.
"For example, birth certificates, marriage licenses, driving licenses and all those things are not issued in Mogadishu currently," Jama told Sabahi. "Therefore, anyone who needs them or is required to have them to travel abroad gets them from the [forgers]. The government has to fill that role because forgery sprung from demand [for services] and if they are provided, then people will not want forgery."